shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waxaa laga dareemayaa guud ahaan wadanka koon-fur Africa,qaban-qaabada Koobka Aduunka ee lagu qabandoono South Africa sannadka 2010,‏

(Johannesburg, January 23, 2008 Ceegaag Online)  

Wadanka koonfur Africa. ayaa waxaa ka soconaya qaban-qaabo loogu tala galay in lagu qabto koobka Aduunka ee afartii sanaba mar lagu qabto wadamada Aduunka wadan ka mid ah, iyadoo sannadkan nasiib ay u yeelatey dowlada koonfur Africa in ay martigaliso sannadka 2010.

Hadaba wadanka koonfur Africa ayaa ah wadan ay aad ku soo jiidaneyso bilicdiisa marka aad dhex socoto Magaalooyinka uu ka kaban yahay wadanka.

Dalka South Africa ayaa wuxuu ka kooban yahay Sideed Gobol iyadoo gobol kastana laga dhisay dhowr stadium oo loogu tala galay in lagu qabto Ciyaaraha koobka aduanka ee 2010.

Gobolka Kuwazulu Natal ee Magaalo-madaxdiisa ay tahay magaalada Durban ayaa waxaa laga dhisay garoon aad u qurux badan oo aan hore loogu arag Qaarada Africa, garoonkaas oo ka kooban dhowr dabaq.

Sidoo kale magaalada Cape town oo ah magaalo loo soo dalxiis tago ayaa waxaa laga dhisay garoon qurux badan oo loogu tala galay Koobka Aduunka ee 2010 lagu qabanayo guud ahaan Wadanka Koonfur Afrika, waa markii ugu horeysay ee Qaarada Africa loo caleemo saro in ay martigaliso koobka adunka ee Afartii sanoba mar lagu qabto wadan ka mid ah Lixda Qaaradood ee Aduunka,

Wadankan koonfur Africa ayaa waxaa kula tartamay Martigalinta Koobka Aduunka ee 2010 wadanka Morroco  isagoo cod bixin  kaga guuleystay maadaama loo arkayay Wadankan Koonfur Africa inuu yahay Wadanka kaliye ee ka soo bixii kara kaliintiis wax qabad ee ku aadan Ciyaaraha Aduunka.

Dhinaca kale wadooyinka waa wayn ee uu isku xira guud ahaan wadanka ayaa waxaad ku arkeysa booraar waa wayn oo Astaan uu ah qabanqabaada koobka aduunka ee 2010 ee lagu wado in lagu qabto wadankan koonfur Africa.

Police-ka koonfur Africa ayaa iyaguna wado dadaal ay ku sugayaan amniga wadanka iyagoo hore ugu guul dareystay in ay amniga wax ka qabtaan balse iminka ku dadaalayaan sidii ay Caalamka u tusilaahayeen in Wadanka Koonfur Africa yahay Wadan Nabadgalyo iyo Xasilooni buuxdo ay kajirto Diyaarna u yihiin Qabashada Koobka Aduunka ee dhicidoona Sanadka 2010.

Xafiiska Wararka ee Magaalada Johannesburg

Hassan yeey,

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com