shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Weerar loo adeegsaday Hoobiyaal ayaa lagu qaaday xarunta Villa Soomaaliya iyo garoonka caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, January 23, 2008 Ceegaag Online)  

Weerar loo adeegsaday Hoobiyaal ayaa lagu qaaday xarunta Villa Soomaaliya iyo garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, xilli ay magaalada Muqdisho soo gaareen wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Ilaa 8-madfac ayaa lagu kala weeraray Villa Somalia iyo garoonka Muqdisho, iyadoo inta la xaqiijiyey madaafiicdaas ay ku waxyeeloobeen seddex qof oo mid kamid ah uu dhaawac ahaan ugu geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Weeraradan Hoobiyaal oo dhacay abaaro 12:40 ee xiliga magaalada Muqdisho ayaa lagu beegay xilli ay magaalada Muqdisho soo gaareen wafdi uu horkacayo Gudoomiyaha golaha amaanka iyo nabad gelyada midowga Afrika Saciid Dijint.

Lama oga khasaaraha kale ee ka dhashay weerardada Hoobiyaal ee lala beegsaday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, illaa haddana ma jiro cid ka tirsan madaxda dowladda oo ka hadashay weerarka hoobiyaal ee lagu qaaday labadaas xarumood.

Bilowgii isbuucaan ayaa sidan oo kale weerar hoobiyaal loo adeegsaday waxaa lagu qaaday xarunta Villa Soomaaliya, xilli uu halkaas ku sugan yahay Ra'isul wasaaraha dowladda federaalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Xoogagga ka horjeeda dowladda federaalka ayaa weeraro iyo hoobiyaal waxa ay la bartilmaameedsadaan xarumaha dowladda iyo kuwa Ciidamada Itoobiya.

Xafiiska Wararka ee Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

Ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com