shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaalada Caafimaad ee Madaxweyne C/laahi yuusuf oo aad u wanaagsan kulamo na laqaatay Mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Africa.

(Addis Ababa, January 06, 2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha dowlada KMG ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa kulamo muhiim ah kula qaatay Magaalada Addis Ababa madax sare oo ka tirsan Midowga Africa .

Kulan uu la qaatay madaxa golaha Amaanka Qaranka iyo nabadda ee Midowga Africa Saciid Djinit ayuu kala hadlay xaaladda iminka ee Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay qorshe amaan oo Soomaaliya wax looga qabanayo.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa dareensiiyay mas`uuliyiintaasi sida ay muhiim u tahay in Golaha Amaanka Africa uu ku booriyo dalalka Africa in ay ka qeyb qaataan qorshaha Nabad Ilaalinta Soomaaliya ciidamo na ugu diraan.

Madaxa Golaha Amaanka ee Africa Mr.Djinit ayaa dhankiisa hoosta ka calaamadeeyay in xooga saarayaan sidii loo dhameystiri lahaa ciidamada Africa ee loo qoondeeyay Wadanka ay dagaaladu aafeeyeen ee Soomaaliya .

"Dowlada Federaalka Kmg Amaanka dalka wax weyn ayay ka qabatay waxaa inoo harsan helidda taageerada Beesha Caalamka iyo Africa"ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf isaga oo la hadlaya Wakaalada wararka ee dalka Itoobiya ee Ethiopian News Agency (ENA)

Madaxweyne C//laahi Yuusuf ayaa Addis Ababa ku yimid si kadis ah taasi oo keentay in warbaahinta siyaabo kala duwan uga hadasho qaarkood ayaa sheegayay in Arimo Caafimaad uu u yimid Magaalada Addis Ababa.

Mohamed Bashir

Jig-Jiga, Ethiopia

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com