shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaalada Muqdisho iyo Xalay Xamarwayne!!!

(Muqdisho, January 21, 2008 Ceegaag Online)  

Degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa xalay maqribkii waxa lagu soo rogay bandow, iyadoo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay gebi ahaanba jojiyeen dhaq-dhaqaaqa dadka iyo ganacsiga ee degmadaas.

Bandowga lagu soo rogay degmada Xamarweyne ayaa waxa la sheegay in ujeedkiisu ahaa adkeynta amaanka xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ku taala halkaas, kadib markii maalintii shalay aheyd uu halkaas soo gaaray Ra'isulwasaaraha dowladda federaalka Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Cadde).

Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa xalay si weyn loogu arkayey xaafadaha ay degmadaasi ka kooban tahay, waxaana xalay aad u yaraa dhaq-dhaqaaqa dadka iyo ganacsiga.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in bandowgaasi yahay mid lagu adkeynayo amaanka madaxtooyada, isagoo sheegay in ciidamada dowladda federaalka ay gacanta ku soo dhigi doonaan ciddi ka hortimaada bandowga.

Xarunta madaxtooyada oo uu hadda ku sugan yahay Ra'isulwasaare Nuur Cadde ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa lagu garaacay dhowr madfac kuwaas oo aan illaa iyo hadda si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Axmed Cadde, Muqdisho. Soomaaliya

 www.Ceegaag.com
 

 

 

 

  

webmaster@ceegaag.com