shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xafladii Sanad Laha ahayd ee Jaamacada Osmania University oo xalay ka dhacday Hollka Jaamacada ee Magaalada Hyderabad.

(Hyderabad, January 06, 2008 Ceegaag Online)

Waxaa xalay oo taarikhdu ahayd 05/01/08 , ka dhacday xaflad aad u Balaadhan Hollka Jaamacada Osmania Univeristy oo sanad walba lagu soo dhaweeyo Ardayda cusub ee dalka dibadisa ka timaado, xafladaas oo ay ka so qayb galeen Arday Aad u fara badan oo ka kala yimid wadamo badan oo dunida daafeheeda

                            

Xafladan oo ku saabsanayd soo dhowaynta Ardayda cusub ee sanadka bilaabaya Jaamacada, Waxaa ka hadlay Vice Chancellor ka Jaamacada  Osmania University  Prof. Mohammed Suleman Siddiqi, oo khudbad weyn oo qiimo badan ka Jeediyay, ugana mahad naqay ardayda ka soo qayb galka xaflad oo looga dan lahaaa,, soo dhowaynta ardayda cusub iyadoo Casho sharafna halkaas loogu  sameeyay Ardayda.

                            

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay  Prof. P. Maruthi Mohan   oo u qaabilsan Jaamacada xafiiska Arday Ajanabiga ah ee dibada ka timaado, wuxuuna  halkaas ka jeediyey qudbad uu kaga hadlayay Ardayda sanad walba Jaamacadu ay oglaatay iyo tirade Rasmiga ee sanad walba sii kordhaysa.  Prof. P. Maruthi Mohan waxaa uga waramay Arday waxyaabaha Jaamacada ku soo kordhisay sanadka iyo Coursooyin cusub oo lagu soo biiriyeye Sanadkan 2008.

                             

Xaflada xalay ka dhacday Hoolka Jaamacada Osmania oo ay ka soo qayb galeen kumanaan Arday ah, ayaa waxaa la siiyey Ardaya wadamada kala ah Afghanistan iyo Somalia inay ku so bandhigaan Heeso iyo Madadaalo, Waxaa ugu horayntii halkaas heeso dhaqameed ku soo bandhigay Ardayda Wadanka Afghanistan, Fursadii labaad ee Somalia ayaa awaxaa halkaas lagu so bandhigay, heeso Somali ah iyadoo Arday soomaalida aad ugu riyaaqeeen iyo dhamaan Ardaydii African-ka ahaa iyo Maamulka Jaamacaduba,Ardayda Soomaaliyeed ee Sanadkan Bilaabay Jaamacada ayaa tiro ahaan ah wadanka Labaad ee ugu badan ee Ardayda dhigta Jaamacada Osmania ayaa waxay u ahayd Sharaf iyo Maamus gaar ah.

Jama Mohamed Jama

Hyderabad, India

Jaamac_332@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com