Xanuunka
Sonkoriga (Diabetes) oo si xawli ah ugu fidaya Aduunka
(Somalia, January
29,
2008 Ceegaag Online)
Iyada oo uu
yahay Xanuunka Sonkorigu Xanuun khatar ah Aduunkana aad ugu
fidaayo beryahan dambe iyada oo ay is bedeshay hab
nololeedkii Dadyowga Aduunka, ayaa iyana waxa habkan cusubi
la yimi Xanuuno aan markii hore aad looga caban jirin
fidistooda ama aan laba aqooni jirin inay hada aad u fidaan,
markaa Xanuunka Sonkoriga oo ka mid ah Xanuunadaa aan hada
soo xusnay ayaa meela badan oo Aduunka ka mid ah hadaanay ba
ahayn Aduunka oo dhan uu noqday mid aad looga dareemay oo ay
ka imanayso Qayladhaan xoogani
Wuxuu yidhi Madaxa Xarunta Xanuunada Sonkorta ee
Boqortooyada Urdun horena u ahaan jiray Wasiirka Caafimaadka
ee Dalkaas Pro.Kaamil Alcajalooni in Maanta hal Qof uu u
dhinto tobankii Ilbidhiqsi ee kasta Xanuunka Sonkoriga mid
kalena uu qaado Xanuunkaas
Wuxuu intaas ku daray isaga oo u waramaayay Wakaalada
Wararka ee Kuwait (KUNA) in
Xanuunka Sonkorigu uu yahay sababta kowaad ee keenta Indha
beelka,Kelyaha oo shaqayn waaya iyo Waaxyaha oo la gooyo
Aduunka,wuxuuna tilmaamay in tirada Dadka qaba Xanuunka
Sonkoriga ay aad u sarayso Dowladaha Khaliijka Carabta iyada
oo uu sheegay in ay Nisbadaasu gaadhayso boqolkiiba sodon
30% halka ay gaadhayso Dowladaha Carabta ee kale boqolkiiba
15% ilaa boqolkiiba labaatan 20% Dadka Da'doodu ka wayntahay
25jirka
Wuxuuna amaanay doorka Kuwait
ka qaadatay la dagaalanka Xanuunka Sonkoriga iyada oo u
kaydisay tirada ugu badan ee Dhakhtarada iyo Daawooyinka si
loogula dagaalamo Xanuunkaas.
wuxuuna ku booriyay in la sii kordhiyo Ololaha wacyi gelinta
ee ay wadaan Warbaahinta ee ku hawlan in ay ku jihayaan
Bulshada oo uga digaan khatarta uu leeyahay Xanuunkaasu
Wuxuu kaloo timaamay in Canada
ay u bixisay Xanuunka Sonkoriga magaca ah Xanuunka Ummada
iyada oo ay gaadhayso tirada Dadka qabaa inta u dhexaysa
boqolkiiba saddex 3% ilaa boqolkiiba afar 4% tiradaas oo ah
mid aad u yar marka la barbar dhigo tirada Dowladaha Carabta
Waxaana xusid mudan in aan sheegno in tirada Dadka qaba
Xanuunka Sonkoriga ee Aduunku ay gaadhayso in ka badan 300
oo million oo Qof marka la gaadho Sanadka 2025 ka sida la
saadaaliyay iyo in tirada Dadka uu ku dhici karo Sonkorigu
ay gaadhayso 427 million oo Qof isla Sanadkaas.
waxa loo haystaa Kuwait in
ay ka mid tahay Dowladaha ugu sareeya Aduunka xaga tirada
Dadka qaba Xanuunkaas iyada oo ay gaadhay tiradu in ka badan
boqolkiiba shan iyo toban 15% Dadka Qaangaadhka ah ayna
gaadhay tirada Caruurta qabta Xanuunkaas ilaa iyo 22
Xaladood boqolkii kun ee kasta Caruurta Da'doodu ka yartahay
14jirka
Muxuu yahay Xanuunka
Sonkorigu?
Hadaba iyada oo ay sidaas Xanuunkan looga qaylinaayo Aduunka
oo dhan ayaa waxaa mudan bal in aan wax ka ogaano Xanuunkan
waxa uu yahay,waxyaabaha keena,Calaamadaha lagu garan karo
ciduu hayo iyo wax yaabo badan oo ah muhiim inaad ka
ogaato,arimahaas baan Qoraalkan intiisa dambe ku eegaynaa
inshaa Allaah
Waxa weeye Beeryaradu (Pancreas) Xubinta ka masuulka ah soo
saarista Harmoonka (Harmone) loo yaqaano Insuuliinta(Insulin)
kaas oo isna ku kaca xukumista nisbada Gluukoosta (Glucose)
oo ah Sonkorta gelaysa Dhiiga.
wuxuuna qaadaa Qofku Sonkoriga markuu ku fashilmo Jidhku in
uu xukumo siyaadada Sonkorta ee ku soo kordhaysa Dhiiga
sababta oo ah dhowr arinood oo ay ka mid tahay:
1-Beeryarada oo ku guuldaraysatay in ay soo saarto kimiyado
dabeeci ah oo ah Insuliin sababta oo ah khalal ku jira Cells
ka Beeryarada badanaabana waxay taasu ku dhacdaa Dadka Da'da
yar (Caruurta).
2-waxay noqon kartaa arin Dhaxal ah oo Waalidkaa ama
Waalidkiis qabi jireen ama waxay noqon kartaa sababtu
siyaado kedisa ah oo ku timi Miisaanka Jidhka,wuxuuna
badanaa kaas ku dhacaa Dadka Qaangaadhka ah ee Da'doodu u
dhexayso 40 ilaa 50 jirka
3-waxa dhici karta in Beeryaradu bedqabto laakiin sababtu
tahay in uu ku jiro khalal Jidhka Qofka Buka iyada oo ay soo
baxdo Cells ah Jidhka Qofka oo la dagaalanta Insuliinta taas
oo keenta in uu daciifo ama aan Waxqabadkiisu muuqan waayo
iyada oo uuna yahay Gluukoosku(Glucose)kan ugu wayn ee siiya
Awooda uu ka helo Jidhku si uu u qabto Shaqooyinkii
daruuriga ah ee kala gedisan iyo iyada oo ay ka maqan tahay Insuliintii
oo ay waday waxqabadkeedii ayaa Jidhku wuxuu waayayaa
awoodii uu kaga faa'iidaysan lahaa Gluukoosta si talaab
talaaba ah ayna dhinac socoto kor u kaca la mid ah oo ku
imanaaya heerka Sonkorta ee Dhiiga taas oo sababaysa
qaaditaanka Sonkoriga taas oo lagu ogaanayo marka la baadho Sonkorta
Dhiiga si loo ogaado Xaanuunka
Hadaba waqti ka dib iyo iyada oo ay meesha ka maqan tahay
daawaynta loo baahan yahay ama la waayo raacitaan nadaamsan
oo loo cuno Daawooyinka ayuu wuxuu gaadhayaa Gluukoosku heer
cayiman,taas oo keenaysa in Jidhku iska saaro oo ka
takhaluso isaga, doorkaana waxa u qabta Jidhka Kelyaha oo
iyagu ka saara Sonkorta oo ku dara Kaadida iyagoo ku
khafiifinaya Biyo,waxana suuragal ah in laga ogaado heerka Sonkorta
ee ku jirta Kaadida marka la baadho Baadhitaan haboon oo sax
ah
Wuxuu iskaga saaraa Jidhku Sonkorta isagoo ku daraya Kaadida
iyada oo ay la socoto kimiyado badan oo Biya ah taas oo ay
la socoto in JIdhku waayo kimiyada badan oo Biya ah oo
dabadeedna sababta in ay soo baxaan Calaamadaha muuqda ee
Xanuunka Sonkorta
Calaamadaha lagu garto
Xanuunka Sonkorta
1-Haraad badan oo aanu Qofku hore ugu aqoon Naftiisa
2-Gaajo fara badan
3-Kaadi badan
4-Afka oo qalala
5-Caajis,Hurdo iyo Daal
6-Xanuun Afka Caloosha
7-Hungaaco ama Mantag
8-Neefsi dheer oo degdeg
9-Ur ka soo baxda Afka oo la ur ah Khalka Tufaaxa(Apple
Vinegar)
10-Miyir beel ama Suuxdin
Waxay noqon karaan Calaamadahaasu kuwa aan la garan oo aan cadayn
taas oo ka dhigaysa Xanuunka Sonkoriga in aan la garan
waqtigaas ama ay adkaato garashadiisu waqtigaas,waxa kale oo
dhici karta in loo ogaado si lama filaan ah iyada oo laga
ogaanaayo mid ka mid ah Calaamada kale oo aan caadi ahayn
inta badan oo Xanuunku leeyahay iyada oo ay Qofka
haleelayaan dhibahan soo socda mid ahaan
Calaamada aan caadi ahayn oo ay suura gal tahay in lagu
garto Xanuunka
1-Nabarada oo aan bogsan
2-Farajka oo uu xoqo Qofku waana Dumarka uun
3-Faraha Gacamaha iyo Adimada oo aad gubasho ka dareentid
4-Araga oo aan caadi ahayn iyo muuqashada oo waadix ahayn
Noocyada Xanuunka Sonkoriga
(diabetes)
1-Sonkor ku tiirsan Insuliinta "Sonkorta Caruurta" marka la
soo gaabiyona loo yaqaan IDDM,wuxuu ku dhacaa caadi ahaan
kuwa Da'da yar sababta oo ah telef ku yimi Cells ka
Beeryarada,taas oo keenta in aanu soo saari karin Insuliin
sababo ku tacaluqa system ka wax iska caabinta Jidhka ama
waxaa suuragal ah in uu ka dashay infection virus ah oo
kaaliyay in uu Xanuunku yimaado,Xalkiisa keli ahina wuxuu
yahay in loo bedelo Jidhka Insuliinta ka maqan iyada oo la
siinaayo oo lagu mudaayo Irbado Insuliin ah waxayna dhibtu
tahay in Qofkan bukaa uu ku qasban yahay in uu qaato
Insuliin inta noloshiisa ka hadhay
2-Sonkor aan ku tiirsanayn Insuliinta "Sonkorta kuwa
Qaangaadhka ah" marka la soo gaabiyona loo yaqaan NIDDM, wuxuuna
ka dhashaa Beeryarada oo soo saari karta Insuliin laakiin
soo saarta kimiyado ka yar intii uu u baahnaa Jidhku in uu
isticmaalo si uu ugu bedelo Gluukoosta Awoodii keenaysay in
uu Jidhku ku kaco Shaqooyinkiisa wuxuuna ku dhacaa badanaa Dadka Da'doodu
ka sarayso 40jirka ama inta badan Bukaanka la ila ildaran
siyaada xad dhaaf ah oo Miisaankooda ah,taas oo keenta in ay
daciifto aqbalaada Cells Jidhku ay qaataan insuliinta ay soo
saartay Beeryaradu ayna sii yaaraanayso waxqabadkiisu
keenayana inay kor u kacdo heerka Sonkorta Dhiiga, tan waxa
suuragal ah in lagu daawayo in uu qaato Xubuub ama Kiniin
hoos u dhiga Sonkorta wuxuuna ka qaadanayaa Afka taas oo sii
saacidaysa in Beeryaraduna soo saarto insuliin kale
Sababo ku keena
Bukaanka in ay kor u kacdo Sonkorta Dhiiga ilaa iyo heer
khatar ah in kast oo uu u cunaayo si nadaamsan Daawada
1-Sagsaagis cunida Daawada hoose u dhigaysa Sonkorta
2-Iyada oo aanay ku filayn qaderka Daawada Qofku qaadanaayo
ama aanay u miisaanayn heerka Sonkorta Dhiiga
3-Badsashada Cuntada ku hodonka ah Sonkorta si ka badbadin
ah
4-In uu qaaday infection ama Xanuun keenay inuu diido
waxqabadka Insuliinta
Sonkorta Dhiiga oo hoos u dhacda
waxa ku dhici karta Bukaanka in ay ku timaado Xaalado ah
Sonkorta Dhiiga oo hoos u dhacda,sidaas darteed waxaa muhiim
ah in uu cuno kimiyada cunta ah oo ku munaasib ah Daawada uu
cunaayo,sidoo kale waxaa waajib ah inuu cuno Daawada
kimiyado ku haboon Jimicsiyada iyo Dhaqdhaqaaqyada kale ee
uu ku kacaayo
Waxaan jecelahay hadii Allaah idmo in aan Qoraalka dambe ku
soo qaadano ka hortaga iyo daawaynta Xanuunkan wixii ku
tacaluqa iyadoo aan hada waqtigu ii saamaxayn
Wabillaahi atowfiiq
Waxa soo guuriyay: Essa Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |