Xarunta Cilmi
Baarista iyo wada tashiga ee CRD oo shir u qabatay
Soomaalida ku dhaqan dalka Australia
(Melbourne,
January 28,
2008 Ceegaag Online)
Xarunta Cilmi Baarista iyo
wada tashiga ee CRD ayaa soo gaba gabeeysay Shir Wada Tashi
ah oo ay u qabatay Jaaliyada Soomaaliyed ee Ku nool Dalka
Australia.
Hay’adda CRD ayaa kulan u jeedadiisu
tahay Sidii Jaaliyadaha
Somalia uga Qeyb qaadan
lahaayen dhismaha dalka Dhinacyada Siyaasada iyo dhaqaalaha
u Qabatay Dadka Soomaaliyed Ee ku nool magaalada Melbourne
ee Dalka Australia.
Kulankani oo intuu soconayay ay
tusaale iyo talooyin ka bixinayeen Masuuliyiin sar Sare oo
ka tirsan Hay;ada CRD oo ay ka mid ahayeen Madaxa Xarunta
Cilmi Baarista Jabriil Ibraahin Cabdulle iyo Max’ed Aadan
Ibraahin waxaa ay ka qeyb galayaashu tilmaameen in uu ahaa
kulankaasi ii ugu balaarnaa ee loo qabto jaaliyada
Soomaaliyeed ee ku nool dalka Australia.
Cabdullaahi Xaaji Cabdi iyo Yuusuf
sheikh Cumar oo ka mid ahaa ka qeyb galayaasha ayaa sheegay
in kulamada noocan oo kale ah ahmiyadoodu ay tahay in lagu
guuleysto qarashaadka ay jaaliyaduhu ku bixiyaaan hurinta
dagaalada in loo leexiyo nabada iyo horumarka.
Xarunta Cilmi Baarista iyo
Wada tashiga ayaa waxaa ay mudooyinkii udambeeyay Diirada
Saartay Sidii ay u baraarujin laheyd Jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee ku nool dalka Dibadiisa, si loo helo umad
Soomaali ah oo meel u wada Jeeda Dal iyo dibadba.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |