Xoghayaha Guud
ee Qaramada Midoobay oo ugu baaqday DF inay ilaaliso Ammaan-ka
shaqaalaha Hay'adaha Samafalka.
(New York,
January 29,
2008 Ceegaag Online)
Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Ban
Ki Moon ayaa cambaareeyey falkii shalay lagu khaarijiyey
dhaqaatiir ka tirsanaa Hay'adda MSF Spain kadib markii
qarax miino lala beegsaday gaari ay saarnaayeen iyagoo
maraya gudaha magaalada Kismaayo.
Ban Ki Moon waxa uu sheegay in ay aad
uga xun yahay qaraxaas lagu khaarijiyey dhaqaatiir ka
tirsanaa MSF Spain iyo saxafi Soomaali ah oo lagu magacaabi
jiray allaha u naxariistee Xasan Kaafi Xareed.
"Waa in dowladda KMG ay damaanad qaadaa amaanka saraakiisha
hay'adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgalaya gudaha
Soomaaliya, waana waajib saaran in amaanka madaxda hay'adaha
Qaramada Midoobay ay si buuxda u ilaaliso dowladda
federaalka" ayuu yiri ban Ki Moon
Wuxuu wel-wel xooggan ka muujiyey
xaaladda ka sii dareysa ee dalka Soomaaliya, isagoo xusay in
ay tahay in si weyn amaankooda loo damaanad qaado madaxda
hay'adaha caafimaadka iyo kuwa samafalka ee ka howlgalaya
gudaha Somalia.
Hadalka xoghaya Qaramada Midoobay ayaa
imaanaya maalin uun kadib markii qarax miino lagu
khaarijiyey dhaqaatiir ka tirsanaa hay'adda dhaqaatiirta aa
xuduuda laheyn ee MSF Spain
Dhinaca kale Shaqaalaha
Hay'adaha Gargaarka ayaa waxay bilaabeen inay isaga baxaan
Magaalada Kismaayo, iyadoo shalay gelinkii dambena Diyaarad
ka qaaday meydkii Shaqaalaha MSF Spain una qaaday dalka
Kenya
Dhinaca kalena Hay'adaha IFJ iyo MUSOJ
oo u dooda xaquuqda saxafiyiinta ayaa cambaareeyey falkii
lagu dilay weriye Xasan Kaafi Xareed oo shalay ku naf waayey
qarax miino oo ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo ee
xarunta gobolka Jubadda Hoose.
Xafiiska Wararka Ceegaag
Online Muqdisho, Somalia
Axmed Aadam Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |