Xubnaha
Dowladda Federaalka ee ku sugan Mag-aalada Baydhabo oo
walwal ka muujiyay dilalka qorsheysan ee Magaaladaas ka
bilawday.
(Baydhabo,
January 13,
2008 Ceegaag Online)
Prof Maxamed Cumar Dalxa
Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
ayaa muujiyay sida uga walaac san yahay xaaladda ammaan xumo
ee ka jirta Magaalada Baydhabo ee xarunta Dowladda gaar
ahaan wuxuu walwal ka muujiyay dilalka abaabulan ee
Magaaladaas ka bilawday.
Prof. Dalxa ayaa sheegay
in wax laga xumaado ay tahay in qof Muslim ah si bareer ah
loo dilo isagoo aan waxba galabsan wuxuuna sheegay in
falalka ka dhacaya Magaalada Baydhabo ay yihiin kuwa u
baahan in laga hortago.
Wararka naga soo gaaraya
Magaaladaas ayaa sheegaya in Xubnaha baarlamaanka, Kuwa
Dowladda, xubnaha Maamulka Gobolka, Saraakiisha iyo
taageerayaasha Dowladda dhamaantood cabsi ka muujiyeen
dilalka abaabulan ee Maalmihii ugu dambeeyay Magaaladaas ku
soo kordhay, gaar ahaan dilkii xalay Baydhabo ka dhacay ee
loo geystay xubno ka tirsan Culimada Soomaaliyeed.
Wadaadkan oo lagu
magacaabo Sheekh Cabdule isla markaana ahaa isku duwaha
arimaha diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Baay ayaa xalay lagu
toogtay gurigiisa oo ku yaala magaalada Baydhabo kadib
markii dabley ku hubeysan bastoolado ay soo galeen guriga
Sheekha halkaasi oo aay ku toogteen Sheekha iyo sarkaal
katirsan Hay’adda Bisha Cas
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |