shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xukuumada Ra’iisal Wasaare Nuur cadde oo Aqba-shay Inay Mabda' ahaan Wadahadlaan Xubnaha Mucaaradka.

(Somalia  January 25, 2008 Ceegaag Online)  

Xukuumada Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa la sheegay inay mabda’ ahaan ogolaatay Hindise la xiriira Nabadda Somalia, oo uu Ururka Midowga Afrika u soo gudbiyey, kaasi oo ugu baaqaya inay Dowladda Federaalka kulan toos ah la yeelato Kooxaha Mucaaradka ku ah.

Ilo lagu kalsoon yahay oo aad ugu dhowdhow Xafiiska Ra’isul-Wasaaraha Dowladda Federaalka Somalia, ayaa u sheegay Wargeyska Asharqal-awsad ee ka soo baxa Magaalada London inuu Madaxa Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Ururka Midowga Afrika, Saciid Janiit soo gaarsiiyey Dowladda Federalka Hindise loogu magac daray Qorshaha Tubta Nabadda ee Dib-u-heshiisinta Somalia, taasi oo dulucdeeda tahay sidii loo xaqiijin lahaa Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Hawlaha Siyaaasadda iyo dhaqdhaaqa Hawlaha Samafalka.

Wargeyska Asharqal-awsad oo maanta arrintaasi shaaciyey, ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu Ra’isul-wasaare Nuur Cadde oggolaaday Hindisaha Nabadda ee ay Wadaan ururka Midowga Africa, si loo xaliyo Xiisadaha Colaadeed ee ka jirta dalka Somalia.

Ilo Wargeysku uu ka soo xigtay ayaa sheegay inuu Hindisahaasi ku baaqayo inay Dowladda Federalka gacan ku siiso Beesha Caalamka sidii loo baadigoobi lahaa in xal loo helo Arrimaha Cakiran ee Caqabada ku ah Horu socodka iyo Nabad kusoo Dabaalida Wadanka ay Dagaaladu aafeeyay ee Somalia.

Ra'isul-wasaare Nuur Cadde ayaa Dhowr jeer oo hore sheegay inay Dowladdiisa diyaar u tahay inay Kooxaha Mucaaradka wada hadal Bilaa Shuruud ahla galidoonaan Cid Allaale iyo Cidii Mucaarad ku ah Siyaasada Dowladda Federaalka wuxuuna beeniyey inay isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku kala duwan yihiin Aragtidaas.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com