Xukuumada Ra’iisal Wasaare
Nuur Cadde oo heshay Codka Kalsoonida Baarlamaanka.
(Baydhabo,
January, 10 2008 Ceegaag
Online)
Golaha Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya ayaa Codka Kalsoonida siiyay
Xukuumadda uu dhawaan soo dhisay Raiisal Wasaare Nuur Xasan
Xuseen (Nuur Cadde), Xukuumaddan oo ka kooban 18 Wasiir
balse aan wali lama magacaabin 3 ka mid ah 18-kaas Wasiir.
Ra’iisal wasaaraha
Soomaaliya Nuur Cadde ayaa aad ugu Mahadceliyay
Xildhibaanada isagoo Baarlamaanka Fahansiiyay qiimaha ay
Xukuumaddiisa u leedahay Beesha Caalamka,wuxuuna yiri tiro
badan waxba tari mayso waxaa loo baahan yahay dad kooban oo
shaqo badan ka qabta.
Gudoomiyaha Baarlamaanka
ahna siihayaha Xilka Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan
madoobe ayaa ka waramay sidii ay u dhacday Codka Kalsooni
siinta Xukuumada Cusub isagoo sheegay Ilaa iyo 223
Xildhibaan ayaa gacanta u taagtay in la aqbalo Xukuumadda
Cusub ee Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde 5 Xildhibaan ay diiday
halka 2 Xildhibaan ay ka aamuseen.
Kalsooni siinta
Baarlamaanka siiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde
ayaa waxay dhabar jab Siyaasadeed ku noqonaysaa Xildhibaano
fara badan oo markoodii hore ahaan jiray Wasiiro balse iska
waayay liiska Golaha Wasiirada cusub, kuwaas oo maalmahan si
kulul u canaanayay Xukuumadda cusub.
Ra’iisal Wasaare Nuur
Cadde ayaa hadda looga fadhiyaa inuu ka dhabeeyo ballan
qaadkiisa ahaa inuu wax badan ka qaban doono arrimaha
nabadgalyada ee Guud ahaan dalka Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |