Ra'iisal
Wasaare ku xigeenka ayaa maanta xubnaha Barlamaanka hortooda
ka warbixiyay natiijadii shirkii Jabuuti.
(Baydhabo, July
16,
2008 Ceegaag Online)
Ra'isal wasaare ku xigeenka Xukuumada KMG ah ahna Wasiirka
Wasaarada Warfaafinta dhalinyarada iyo ciyaaraha Axmed C/salaan
ayaa maanta hortagay xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah si uu
uga warbixiyo natiijadii shirkii dibu heshiisiinta ee lagu
qabtay jamuuhuuriyada Jabouti kaasoo u hogaminayay wafdigii
dhinaca dowlada uga qeybgalay.
Axmed
C/salaan ayaa sheegay in shirkii Jabuuti uu ahaa mid bilaw
ah oo fure u ah shirar badan oo dibu heshiisiineed, waxuuna
xildhibaanada xasuusiyay in gudiga u xilsaaran dibu
heshiisiinta ay tiradoodu tahay 21 xubnood oo 12 ka mid ah
ay yihiin xildhibaano sidasi daradeedna xildhibaanada looga
baahan yahay inay taageeraan qorshaha nabada ee la wado.
Isagoo
ka hadlayay dhinaca ciidamo keenida ayuu ugu baaqay beesha
calamka in ay soo dadajiyaan ciidamadii badali lahaa kuwa
Itoobiya, isago cadeeyay inanay jirin in hadii ciidamo aan
la keenin inaysan macquul ahayn inay baxan kuwa hada jooga,
waxuu Axmed C/salaan shegay in wadahadalku sii socon doono.
Wasiirka ayaa dhibaatada dalka ka jirta dusha uga tuuray
inay ka masuul yihiin dadka Soomaalida ah ee aysan wax shaqo
ah ku lahayn shisheye, isagoo muujiyay in hadii Soomaalidu
heshiiso aan loo diidi karin waxa ay rabto, ugu danbeyntii
ayuu sheegay in dulqaad la muujiyo hadii ay wax qaldamaan la
isku dayo in la saxo.
Mudooyinkan dambe aya waxaa socday olole lagu doonayo in
lagula xisaabtamo xukuumada Ra'isal wasare Nuur Cadde taasoo
lagu dhaliilsanaa sida ay wax u wadi gaar ahaan arimaha dibu
heshiisiinta iyo dhinaca amaanka iyo waliba dhaqalo la'aan
soo wajahday xubnaha Barlamaanka
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |