shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xukuumadda Dr. Manmohan Singh oo Cod Aqbiliyad ka heshay Aqalka Hoose ee looga arimiyo Dalka India.

(New Delhi, July 22,  2008 Ceegaag Online)

Ra’iisal Wasaaraha Dalka India Dr. Manmohan Singh oo isagu ahaa Ninkii Hormuudka u ahaa Kor u kicida Dhaqaalaha ee Dalkan India sanadkii 1991 xiligaas oo uu ahaa Wasiirka Maaliyada ayaa Caawa waxa ay Xukuumaddiisu ka badbaaday Mooshin si fiican looga soo shaqeeyay oo looga taqlusilahaa Dowladda Bah wadaagta ee uu Hor kacayo Xisbiga INC (Indian National Congress) oo loo soo gaabiyo The Congress Party.

Ra’iisal Wasaare Manmohan Singh ayaa si kalsooni leh uga codsaday Madaxweynaha Dalkan India Smt. Pratibha Devisingh Patel inuu Aqalka Hoose ee looga arimiyo Dalkan India ee Lok Sabha hortagidoono si loogu qaado Codka Kalsoonida taas oo uu Muran badani ka taagnaa Todobaadyadii lasoo dhaafay kadib markii Heshiis loogu badalayo Quwada Nuclear-ka Wadanka India ee qaabka rayidka loo adeegsado ee ay la galeen Dowladda Mareykanka oo uu dhaliyay Muran soo jiitamay mudo 2 Sanno taasna ay sababtay inay taageeridii kala Noqdeen Xisbiga Shuuciga oo Dowladda tiro ahaan dibada ka taageeri jiray.

                     

   Heshiiskii Jahwareerka galiyay Xukuumada (UPA) Bah wadaagta ee Dr. Singh

Dr. Manmohan Singh ayaa Xukuumadiisa aakhirkii loo qaaday Codka Kalsoonida taas oo ay ka heshay tiradii looga baahnaa inkastoo ay jireen eedeemo ay Xisbiga Mucaaradku ujeediyeen intii ay socotay Ka doodista Mooshinka.

Hogaamiyaha Mucaaradka L.K. Advani ayaa ku amrey 3 ka mid ah Xildhibaanada Xisbigiisa in ay Aqalka Lok Sabha lasoo galaan Lacag lagu qiyaasay 10 Million oo Rupees ( $250, 000) taas oo uu sheegay in Laaluush ahaan loo siisay Xildhibaanada Xisbigiisa si ay uga baaqsadaan Cod bixinta.

Dhacdadan ayaa noqotay mid Sumcada Wadanka India wax u dhintay iyadoo Tv-yada dalka oo dhan si Live ah looga Daawanayay Doodii Codka Kalsoonida loogu qaadayay Xukuumadda Ra'iisal wasaare Manmohan Singh, iyadoo lagu eedeeyay Xisbiga Xagjirka ah ee Mucaaradka markii ay ku guuldaresteen in ay helaan Cod ay  Xukunka kaga tuuraan Dowladda Dr. Manmohan Singh ay Fowdo iyo Fadeexadeyn u dhaqaaqeen.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com