Ra’iisal Wasaare
Nuur Cadde oo Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir
Max’ed Dheere.
(Muqdisho, July
29,
2008 Ceegaag Online)
Kulan ay
maanta isugu yimaadeen Golaha Xukuumada Federaalka
Soomaaliya oo uu shir gudoominayay Ra'iisul Wasaaraha
Soomaaliya Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa xilkii
ka xayuubiyey Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo isku
hayey jagada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada
Muqdisho.
Xilka
qaadistani ayaa waxaa cod aqlibiyad ah ku aqbalay golaha
Wasiirada Dowladda Federaalka waxaana kasoo qeyb galay
kulankaasi 11 Wasiir iyadoo aysan soo xaadirin afar Wasiir
halka sedex aanan wali la magacaabin Wasiirka Arrimaha
Dibada ee Dowladda Federaalka Cali Axmed jaamac Jangeli uu
ku maqan yahay Dalka Iran oo uga qeybgalay shir halkaas ka
dhacay,waxaana codkii la qaaday 7 ka mid ah ay u codeeyeen
in xilka laga qaado Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed
Dheere halka ay laba diideen labana ka aamuseen.
Ra'iisul
Wasaare Nuur Cade ayaa warar hoose ay sheegayaan inuu
xilkaasi u dhiibi doono Maxamuud Cumar Tootow oo ay isku
heeb yihiin Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka
Warfaafinta, dhalinyarada iyo Sportiga Axmed Cabdisalaan.
Ilaa hada
wax war ah kama soo bixin Gudoomiyihii Xilka laga Xayuubiyay
ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere iyadoo maanta uu gaaray
magaalada Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Federaalka
Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |