Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya oo ugu baaqay Ururka Al-shabaab inay ku
soo biiraan wada hadallada Nabadda.
(Addis Ababa,
July 08,
2008 Ceegaag Online)
Ra’iisul
wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen
(Nuur Cadde) oo booqasho saddex maalmood ah ku tagay
magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya ayaa ugu baaqay
ururka Al-shabaab inay ka faa’iideystaan fursadda nabadda oo
ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay isla markaana ay
ku soo biiraan wada hadallada nabadda.
Ra’iisul
wasaare Nuur Cadde wuxuu ku tilmaamay heshiiska dalka
Jabuuti fursad muhiim ah oo daaqad u fureysa inay ku soo
biiraan dhammaan ururada ka soo horjeeda dawladda federalka,
wuxuuna sheegay inay aad u daneynayaan in ururka Al-shabaab
uu qeyb ka noqdo wada hadallada nabadda si uu u dhameystirmo
heshiiska dalka Jabuuti ay ku saxiixdeen dawladda federalka
iyo isbahaysiga Asmara.
Nuur Cadde
wuxuu ku nuux-nuuxsaday in irdaha wada hadallada ay u furan
yihiin cid kasta oo nabad dooneysa oo jecel in shacabka
Soomaaliyeed uu ka baxo dhibaatada 18 sano jirsatay, wuxuuna
intaa ku daray in isbahaysiga Asmara garabkooda ku sugan
Asmara ee aan taageerin heshiiska uu ka rajaynayo inay
iyagana wax la qeybsan doonaan saaxiibadooda heshiiska
saxiixay, isagoo ku celceliyay in ururka Al-shabaab ay
yihiin qeyb muhiim ah oo ka maqan wada hadallada nabadda,
la’aantoodna aanay suurto gal ahayn in heshiisku
dhameystirmo.
Ra’iisul
wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) wuxuu dhinaca kale
cambaareeyay dilkii magaalada Muqdisho loogu geytay madaxii
hay’adda UNDP xafiiskeeda Muqdisho Cismaan Cali Axmed,
wuxuuna sheegay inay taasi caqabad iyo dhibaato ku keeni
karto wada hadallada nabadda oo ay ku hawlan tahay Qaramada
Midoobay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |