shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Innaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Abwaan Xasan Diiriye Faarax oo ku geeriyooday Dalka Kuwait.

(Kuwait, July 27,  2008 Ceegaag Online)

ALLE ha u Naxariistee Fanaan Xasan Diiriye Faarax ayaa habeen hore ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala dalka Kuwait halkaas oo uu Mudo bil ah  ku xanuunsanayey, waxaana Geerida Fanaanka warbaahinta u xaqiijiyay Saleebaan Xasan Diiriye Faarax oo ah wiil uu dhalay fanaanka.

Fanaan Xasan Diiriye Faarax oo kasoo jeeda Gobolka Cayn ayaa horaantii Lixdamaadkii u wareegay Magaalada Muqdisho isagoo ku biiray Hoboladii waaweynaa ee Waabari, Abwaan Xasan Diiriye Faarax waxaa  lagu xasuustaa Heeso wadaniya oo uu qaaday sida heesta tidhaahda ‘Timir Lafbaa Ku Jirta’ oo uu ereyada Heeskaasi uu lahaa Abwaan Maxamuud Tukaale, Abwaan Xasan Diiriye Faarax waxa uu kaloo qaaday Heesta la yidhaahdo ‘Heegan’.

Maamulka iyo Howlwadeenada Shabakada Ceegaag.com waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dhamaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Diiriye Faarax meelkasta oo ay kala joogaan.  anaga oo uga tacsiyeynana Geerida naxdinta leh ee ku timid Abwaan Xasan Diiriye Faarax waxaana Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto janatal fardowsa ka waraabiyo innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.

Aamiin                              Aamiin                                    Aamiin

  

webmaster@ceegaag.com