Abaabul
Ciidan oo ka socda guud ahaan Degmooyin-ka Gobolka Sanaag
(Dhahar, July
09,
2008 Ceegaag Online)
Sida ay
wararku nagu soo gaadhayaan Abaabul ciidan ayaa ka socda
guud ahaan Gobolka Sanaag iyada oo ay jiraan qaar ka mid ah
magaalooyinkan Gobolka Sanaag oo laga diyaar gareeyay
ciidamo beeleedyo kuwaasi oo loo qorsheeyay inay difaacaan
Gobolka,warka ayaa intaasi ku daraya inay ciidamadaasi ku
hubaysanyihiin Gaadiid dagaal.
Wararka
naga soo gaadhaya magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag ka
tirsan ayaa sheegay inay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan
kuwaasi oo lagu diyaar gareeyay gudaha magaalada Dhahar.
Xogta aanu
ka helayno Dhahar ayaa sidoo kale sheegaya inay ciidamadaasi
dhawaan u soo dhaqaaqi doonaan dhanka Magaalada Laasqoray
iyo nawaaxigeeda halkaasi oo lagu sheegay inay fadhiisin
ciidan ka dhigteen malayshiyo taageersan Maamulka
Somaliland.
Dhinaca
kale war isna haatan naga soo gaadhay magaalada Xingalool
ayaa sheegaya inay dadka deegaanku wadaan Abaabul ay ku
diyaar garaynayaan ciidamo ku biira ku Dhahar laga Abaabulay,
qof ka gaabsaday magaciisa ayaa saxaafada u sheegay in
Koonfurta magaalada Xingalool laysugu geeyay ciidamo
beeleedyo aad u hubaysan.
Dhanka
kalena warar hoose ayaa iyana sheegaya in ciidamo lagu
diyaar gareeyay meesha lagu magcaabo (Dhagcaan) oo
dhinca Bari ka xigta magaalada Ceelaayo ee Gobolka Sanaag.
Arinkaasi
ayaa timid kadib markii ay ciidamada maamulka Gooni isu
taaga ah ee Somaliland ay gudaha u soo galeen magaalada Is-taraatijiga
ah ee Laasqoray taasi oo si aad ah uga cadhaysiisay
waxgaradka Deegaanka.
Xigasho: Laasqoray.net
webmaster@ceegaag.com |