Baarlamaanka Somalia oo gudo galaya ka doodidda qodob la
xiriira la dagaallanka Argagaxisada iyo Amniga.
(Baydhabo, July
06,
2008 Ceegaag Online)
Golaha
Baarlamaanka Federaalka oo fadhigiisu yahay magaalada
Baydhabo ee gobolka Bay ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo
socda gudo galaan ka doodidda qodob la xiriira la
dagaalalanka Argagaxisada iyo Amniga kaas oo uu horay
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf dib ugu celiyay Barlamaanka si ay
uga doodaan una ansixiyaan.
Guddoomiyaha
Guddiga Warbaahinta ee Barlamaanka Soomaaliya Soomaaliya
Mudane Cawad Axmed Xasharo aya sheegay in Madaxwayne C/llaahi
Yuusuf uu muddo dhowr bilood ka hor dib ugu soo celiyay
Barlamaanka qodobkan la xiriira la dagaallanka Argagaxisada
iyo sida loola dhaqmayo marka la qabto, wuxuuna intaa ku
daray in Barlamaanku uu ka doodayo qodobkaasi oo lagu soo
kordhiyay habab casri ah oo loola macaamilayo shaqsiyaadka
lagu xiriiriyay falalka Argagaxisada.
“Ajendooyinka
Barlamaanka miiska u saaran oo inay ka doodaan loo baahan
yahay ayuu ka mid yahay qodobkaasi la xiriira la dagaallanka
argagaxisada iyo sida loola macaamilayo, waana qodob xasaasi
ah oo laga yaabo inay xubnaha Barlamaanka ay ku kala
qeybsamaan’ ayuu yiri Xildhibaan Cawad Axmed Xasharo oo
intaa ku daray in erayga Argagaxiso ay fikrado kala duwan ka
qabaan Shacabka Soomaaliyeed.
Qodobka la
dagaallanka Argagaxisada iyo sida loola macaamilayo
shaqsiyaadka la soo qabto oo lala xiriiriyo argagaxisanimada
waxa ay dadka Soomaaliyeed u fasirteen inuu yahay mid lagu
doonayo in lagu xalaaleysto dhiigga Muwaadiniinta
Soomaaliyeed ee ka damqaday xasuuqa dadkooda iyo ku
xadgudubka diintooda, waana eray ay Reer galbeedku
adeegsadaan oo ay kaga soo horjeedaan Muslimiinta.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |