Ciidamo Soomaali
ah oo Tababar ku soo qaatay dalka Itoobiya ayaa ku soo
wajahan Gobolada Bay iyo Banaadir.
(Somalia, July 14,
2008 Ceegaag Online)
Ku dhawaad
70 Gaadiidka qaada Ciidamada ayaa ka soo gudbay Xadka
Gobolada Gedo iyo Bakool ay la wadaagan dalka Itoobiya
iyagoo ku soo wajahan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo
Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay sida ay sheegayan
warar laga helay Wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya.
Ciidamadan
oo muddo ku dhaw sanad tababaro ku soo qaatay Gudaha dalka
Itoobiya ayaa waxay ka qeyb qaadan doonaan nabad kusoo
dabaalida Dalka Somalia.
Dowladda
Federaalka Soomaaliya ayaa waxa culeyso uga imaanaya kooxaha
ka horjeeda siyaasadeeda ee qaska ka wada Gobolada
Koonfureed ee dalka Somalia, iyadoo todobaadyadii aynu soo
dhaafney ay gacanta Dowladda ay ka baxeen Degmooyin ay ka
mid yihiin Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, sidaas darted
warar ayaa sheegaya in Ciidamadan laga yaabo in lagu kala
qeybiyo Goboladaas.
Ma cadda tababarka
Ciidamadan qabaan inuu yahay mid awoodi kara inay iska
difaacan awooda kooxaha Dowladda ka horjeeda iyo in kale
iyadoo Kooxaha, Soomaalida ee isku baheystay diidmada
Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee
Soomaaliya ay yihiin kuwo si fiican u tababaran, iyagoo
awood u leh inay bartimaameed ka dhigtaan Ciidamada kala
duwan ee ku sugan Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |