Fanaan Cumar Nuur
Baasharax oo kooxo dablay ah oo Baastoolado ku hubaysan saaka
ku dileen Muqdisho.
(Muqdisho, July
21,
2008 Ceegaag Online)
Fanaan Cumar oo Hees
dadka ku wacyi galinaya
Bilihii tagay ayaa waxaa ifka laga
qariyay dadkii waday hawlaha samafalka ee Soomaaliya, dadkaa
oo noftooda u huray inaysan ka dhaqaaqin dadkooda
dhibaataysan ee ku baaba’ay herdanka dhex yaala Kooxaha Al-shabaab
iyo dawlada Federaalka oo garbinayaan ciidamada Nabad
ilaalinta afrikaanka ah iyo kuwa Gumaysiga Itoobiya.
Dilalkan waxaa u danbeeyay mid saaka
lagu khaarajiyay degmada Xamarwayne alle ha u naxariistee
Fanaan Cumar Nuur Baasharax. Dilkan oo aan la ogayn cida ka
danbeesay ayaanay jirin cid ilaa hada qiratay inay ka
danbeeyaan fal danbiyeedkan.
Fanaankan ayaa isagu ku hawlanaa
nadaafada iyo wax u qabashada Xaafada Xamarwayne isagoo ka
tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir.
Hadaba madaama uu Cumar fanaan ahaa
waxaa loo maleenayaa inuu dilkiisa ka danbaynkaraan
Ciidamada Gumaysiga Itoopia oo doonaya inay ku qariyaan wax
garadkii ay hore dhagta dhiiga ugu dareen.
Ilaahada ma ay jirto wax qirasho ah oo
ka imanaya kooxa isku magacaabay Islaamiyiinta ee Qaska ka
wada Koonfurta Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |