Dowladda Canada
oo labo markab oo dagaal u soo dirtay xeebaha dalka Somalia.
(Ottawa, July 14,
2008 Ceegaag Online)
Labo markab
oo aad u qalabaysan oo ay ciidamo saaran yihiin oo laga
leeyahay dalka Canada ayaa xeebaha Soomaaliya soo gaaray
kuwaasoo doonaya inay la dagaallamaan kooxaha burcad
badeedda Soomaalida oo iyagu maraakiib fara badan ku
afduubtay xeebaha dalka Soomaaliya
Sida ay
sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Canada
ujeedada ay maraakiibtan ugu soo direen xeebaha dalka
Soomaaliya ay tahay sidii ula dagaallami lahaayeen kooxaha
burcad badeedda Soomaalida ah ee ka qowleysta xeebaha dalka
Soomaaliya, iyadoo sidoo kale dawlada ay sheegtay in ay isku
dayi doonto inay soo qab-qabato kooxaha burcad badeedda
Soomaalida ah si ay umarsiiso waddada la marsiiyay qaar ka
mid ah kooxahaasi oo iminka ku jira xabsiyo ku yaalla dalka
Faransiiska isla markaana maxkamad lagu soo taagay.
Dowladda
Canada oo sheegtay in kooxahan burcad badeedda inta badan ay
ka socdaan Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa waxay
intaa ku dartay inay dawlad ahaan ay isku dayi doonto inay
gacan ka gaystaan sidii burcad badeeddaasi ay uga ciribtiri
lahayeen xeebaha dalka Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |