Eryidii
Max’ed Dheere oo lasoo dhaweeyay iyo Darwiish iyo C/qeybdiid
oo iyagana la filayo in la Eryo.
(Muqdisho, July
30,
2008 Ceegaag Online)
Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo shaqo-ka eryiddii
dagaal-ooge Maxamed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa maanta
ka dhacey deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana dadka
bannaanbaxayey ay dalbadeen oo kale in Maxkamad la horgeeyo
iyagoo ku eedeynaya inuu mas'uul ka ahaa barakcintooda uuna
ugu yeerey inay argagaixiso yihiin.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyey
isbedellada uu wado Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde waxaana
haatan laga sugayaa inuu sidoo kale shaqada ka cayriyo
dagaal oogayaasha kale ee maata-layska ah sida
Cabdi-Qaybdiid iyo Gen. Darwiish.
Dadkii
Banaanbaxa sameeyay maanta ayaa aad u amaaney Ra’iisal
Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen iyagoo ku sifeeyay
Mas’uul markii horeba magacaabistiisa ay ku farxeen hadana
ay aaminsan yihiin in ay Guryahoodii ay dib ugu noqonayaan
maadaama uu meesha ka baxay Max’ed Dheere oo ay ku eedeeyeen
in uu ahaa Ninkii kasoo barakiciyay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |