Gabadh Qaarka
Dambe Kalluun ka ah (Gabareey Maanyo) Mucjisooyinka
Rabaaniga ah (Daawo Sawiro).
(Lima Peru, July
14,
2008 Ceegaag Online)
Gabar yar oo
ku dhalatay iyadoo ah Qaarka Dambe ka ah Kalluun (Gabarey
Maanyo), Kuna dhalatay dalka Peru ee Qaarada Latin America oo
ay dhaleen Qoys faqiir ah aabbe 24 jir ah iyo hooyo 19 jir
ah.Ayey waalidkeed ugu magac dareen Mucjiso (Milagros).
Dhaqaatiirtii kiiskan ee Gabadhan yar ee qaarka dambe iskaga
dhegan sida Gabarey maanyada Malaayga oo uu horseed u ahaa
Dr Luis Rubio ayaa waxey rajo ka muujiyeen qaliinka
inkastoo qaliinku ahaa mid culus balse ma jirin cid ku
fekereysay inay lugaheeda ku socon doonto taasoo aad ka
daawan karto Filinkaan yar ee Idaacad laga sii daayay taas
oo ay Muuqaal Online kaaga dhigtay Afsoomaali adigoo fahmi
kara qisada Milagros oo ah gabadhan balse iskuulka aaday
iyadoo lugaheeda ku socoto afarsano kadib dhalashadeeda
laguna guuleystay in la kala fujiyo Lugaheeda lagana Dhigo
qof caadi ah oo iskiis u soconaya.
Dadka noocaan oo kale ah ayaa inta badan dhinta balse way ka
badbaaday gabadhan waxaa ka horeeyay gabar sidas oo kale ah
oo Mareykan aheyd hadana jirta 16 sano balse markii la kala
bixinayay lugaheeda ay aheyd hal sano jir
Xigasho: MUUQAAL ONLINE
webmaster@ceegaag.com |