shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Garabyada Isbahaysiga Asmara oo Saxaafadda isku dhaafsaday Hanjabaadyo ay Xilalka isaga qaadayaan.

(Jabuuti, July 22,  2008 Ceegaag Online)

Is Jiid-jiid Siyaasadeed kii ugu xumaa oo u dhexeeya Xubnaha Isbahaysiga Dib U xoraynta Soomaaliyeed ee u kala qaybsamay Garabyada Jabuuti iyo Asmara.ayaa laga dareemayaa Dalalka Eritrea iyo Djibouti.

Mas'uuliyiin ka tirsan Isbahaysiga Dib U xoraynta oo ku sugan dalka Eritrea ayaa sheegay in ay dooranayaan Hugaan cusub oo uu yeesho Isbahaysiga Dib U xoraynta Garabka Asmara kadib markii uu Isbahaysigu kala qaybsamay sida ay hadalka u dhigeen.

Zakeriye Max’mud Xaaji Cabdi oo ah Gudoomiye K/xigeenka Isbahaysiga dhanka Fulinta ayaa shaaca ka qaaday in Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan ay khiyaamo ku keceen loona baahanyahay in Xilka laga qaado.

dhinaca kale Garabka Isbahaysiga ee Jabuuti ku sugan ayaa iyana wada Loolan Siyaasadeed oo dhaxdooda ah waxayna damacsanyihiin in xil ka qaadis ay ku sameeyaan Xasan Daahir Aweys iyo xubnaha kale.

Suleymaan Colaad Rooble oo ah Mas'uulka isbahaysiga u qaabilsan arrimaha Iclaamka ayaa yiri " 25-Xubnood oo Asmara ku Afduuban haddii ay xil ka qaadis samay karaan waa la arki doonaa Maalin kasta waxaa nasoo gaarayo xubna Asmara kasoo baxsaday"ayuu yiri Suleymaan Colaad Rooble.

Khilaafka u dhexeeyo Mas'uuliyiinta Isbahaysiga Dib U xoraynta waxaa sii huriyay Saxaafadda qaarkood oo Su'aalo wax kala fogaynayo weydiiya iyo Mas'uuliyiinta oo iyana Cambaareeyo.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com