Beertii Reer Geedeeye Muddo Hal Qarni ah Ku Lahaayeen Burco oo Boob Lagu Hayo
(Burco, July 18,
2008 Ceegaag Online)
Iyadoo ay boobka & is qabqabsiga dhulku uu Deegaanada Soomaalida ka noqday mid hadheeyey nonol maalmeedkii bulshada Afka Soomaalida ku hadasha ayaa hadana meelaha qaarkood waxaa ka dhaca in Boob & badheedhe cad loola yimaado dhulka ama beeraha soo jireenka ah ee ay lahaayeen qaar ka mid ah dadkii Xadaaradda ganacsiga & magaalaynta u bilaabay bulshadan maanta boobka u guntan, waxaana arintan ka mid ah Boob qaawan oo bishan gudaheeda lau hayey Beer ay magaalada Burco ku lahaayeen Caa'iladda Reer Geedeeye oo ka soo Jeedda Deegaanka Buuhoodle.
Beertan oo ku taalla agagaarka Riigga shiinuhu Qoday, Galbeedna ka saaran togga loo yaqaan Togdheer, waqooyigana uu ka maro laamigu, waxa ay dawladda hoose ee Burco sharciyaysay sanadkii 1981, waxaana Number-keeda heer Degmo uu yahay 485, halka number-keeda heer gobolna uu yahay 938, sidoo kalena Numberkeeda Heer qaran waxa uu yahay 4248, cabirka ay ku fadhidaana waa 25 Hictor.
Bishan gudaheeda ayaa waxaa beertaasi si boob ah ugu habsaday kooxo qabiil huwan oo tobankii sano ee u dambeeyey soo galay magaalooyinka, kuwaasi oo aan hayn wax taariikh ah oo ku saabsan lahaanshaha dhulka, sidoo kalena aan ictiraafsanayn xukuumaddii xiligaasi sharciyaysay Beertaasi.
Dawladda Hoose ee Burco & booliska magaaladaasi ka hawlgala oo haya waxii Documents ahaa ee ay beertaasi lahayd ee xaqiijinayey inay mulki u yahay caa'iladda reer Geedeeye ayaa goobtaasi gaadhay oo ka kala caydhiyey kooxihii boob doonka ahaa, waxaana weli socota xiisado ka dhashay arintaasi oo si weyn looga dareemayo magaalada Burco.
Sida la og yahay Caa'iladda Geedeeye waxa ay ka mid ahayd qoysas faro ku tiris ah oo lahaa aasaaskii magaaladaasi Burco ooay dhismahii ugu horeeyey ka dhiseen sanadkii 1925.
Xaaji Yuusuf Geedeeye oo ahaa waalidkii caa'iladani waxa uu sanadkii 1930 ka dhisay magaalada Burco dhexdeeda xero lagu xanaaneeyo dadka dhalinyarada ah ee dibjirka loo yaqaanay ee ka soo jeeday Beesha Dhulbahante, halkaasi oo uu ugu diyaarin jiray Cunadooda, sidoo kalena Hoy u ahayd, waxaana la aaminsan yahay in Xaajigu halhayskii uu u lahaa (waar inamada hilibka u Goo'goo oo u Geedee) ay tahay middii uu kula baxay magaca Geedeeye ee ay maanta caa'iladda boqolaalka ruux ahi ku abtirsanayaan.
Xigasho: Buuhoodlemedia
webmaster@ceegaag.com |