shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Golaha Wasiirada  oo ku kala aragti duwanaaday xil ka qaadistii Maxamed Dheere.

(Muqdisho, July 30,  2008 Ceegaag Online)

Golaha Wasiirada Xukuumada Ra'isal Wasaare Nuur Cadde ayaa ku kala aragti duwanaaday wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha taas oo xilka looga Xayuubiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere,  oo maalintii shalay ahayd lagu shaaciyay saxaafada.

Wasiirada Arimaha Haweenka iyo qoyska Khadiijo Maxamed Diiriye oo warbaahinta la hadlaysay ayaa ku tilmaantay xil ka qaadistaasi mid afka ka xirneyd oo si shaqsi ah uu u gaaray Ra'isal Wasaare Nuur Cadde, waxayna sheegtay inaan laga doodin arinkan oo golahu la horkeenay go'aankan taas oo bay tiri ka fog habka wada shaqeynta golaha.

Khadiijo oo hadalkeedii sii wadata ayaa cadeysay in iyada aysan aqoonsanayn wareegtadaasi, inkastoo inta badan goluhu uu isku raacay, sida uu saxaafada u sheegay wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga Muuse Nuur Amiin isagoo shaaciyay in goluhu isku waafaqay.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa beryahaan waxaa soo baxeysay inuu jiro khilaaf soo kala dhexgalay iyada iyo Ra'isal wasaare Nuur Cadde taasoo warbaahinta qaar ay shaaciyeen inay is casili rabto.

Dhinaca kale Maxamed Dheere ayaa ku tilmaamay wareegtadii xilka looga qaadayay isaga inay tahay mid wali qabyo ah oo u dhiman saxiixa madaxweynaha, inta ka horeysana uu isaga yahay gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com