shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacada Public Health University ee Magaalada Laascaanod oo Ardaydii ugu horeysay Gudoonsiisay Shahaadooyin.

(Laascaanod, July 20,  2008 Ceegaag Online)

Kulan Xafladeed loosoo agaasimay si heer sare ah ayaa waxaa lagu gudooon siinayay Shahaadooyin Ardayda Jaamacada Caafimaadka (Public Health University) ee Magaalada Laascaanod.

Kulankan oo aan ka qeybgalay ayaan waxaa wareysi gaaban kala yeeshay Agaasimaha Jaamacada Public Health University Dr. Maxamed Iidle Nuur isagoo sheegay in Jaamacada Public Health University la aasaasay Sanadkii 2005, kadib markii ay badatay baahida Caafimaadka ee ay Bulshadu u qabto, Dhakhaatiirtii joogtayna ay kaafin kari wayday dhibaaooyikii Caafimaad ee soo foodsaaray bulshada.
 
Dr. Maxamed Iidle Nuur ayaa ii sheegay in Lodkii ugu horeeyay ee ka qalinjabiya Jaamacada ay ka baxeen 17/7/2008 iyagoo tiradoodu ahayd 5 Dhakhtar  oo rag ah waxayna ku takhasuseen cudurada guud  (General medicine)
 
Dr. Maxamed Iidle Nuur ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay mustaqbalka dambe higsanayaan inay kasoo baxaan Dhakhaatiir intaas ka badan si,ay  udaboolaan dhamaan baahida caafimaad ee bulshada , mudada Jaamacadu waa 4 sano oo la,isugu soo celceliyay 2 sano.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Laascaanod 

  

webmaster@ceegaag.com