Jendayi
Frazer oo sheegtay in Dowladda mareykanka ay qeyb Lixaad leh
ka ciyaareyso Ciidamo geynta Dalka Somalia.
(Qaahira, July 01,
2008 Ceegaag Online)
Dowladda
Mareykanka ayaa sheegtay inay gacan weyn ka geysaneyso sidii
dalka Soomaaliya loo geyn lahaa ciidamo nabad ilaalineed oo
qeyb ka qaata nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya oo muddo
badan burbur ku jiray.
Iyadoo ka
qeyb galeysa shir sanadeedka ururka midowga afrika ee ka
socda dalka Masar ayey Jendayi Frazer oo ah kaaliyaha
xoghaya arrimaha dibadda mareykanka ugu qeybsan arrimaha
Africa in dowladda mareykanku ay gacan weyn ka geysan doonto
sidii loo daabuli lahaa ciidamada ka socda Nigeria ee la
geynayo Soomaaliya.
Waxay
sheegtay Mrs. Jendayi Frazer in dowladda mareykanka ay qeyb
lixaad leh ka ciyaareyso ciidamo geynta dalka Soomaaliya,
iyadoo intaas ku dartay in mareykanka uun aanu bixin doonin
dhaqaalaha ku baxaya ciidama geynta dalka Soomaaliya, hase
ahaatee ay jiraan dalal kale oo qeyb ka qaadan doona
taageerada dhaqaale ee ciidamo lagu geynayo dalka Soomaaliya.
"Iminka waxaa
diyaar ah qeyb kale oo ciidamo ka socda dalka Brundi iyadoo
tababaran, waxayna u diyaar yihin inay qeyb ka qaataan
amaanka dalka Soomaaliya" ayey tiri Mrs. Jendayi Frazer.
Waxay intaas
raacisay in mareykanku ka welwel qabo in kooxo argagixiso ah
ay ku dhuumaaleysanayaan dalka geeska afrikaku yaala ee
Soomaaliya, islamarkaana ay dowladda mareykanka dadaal badan
ku bixin doonto la dagaalanka wax ay ugu yeertay kooxo
xagjirayaal ah.
Dalka
Soomaaliya ayaa iminka waxaa jooga ciidamo tiro yar oo ka
socda dalalka Ugandha iyo Burundi, waxaana sidoo kale si aan
sharci aheyn dalka u jooga ciidamo Ethiopian ah oo dalka
Soomaaliya gudaha u soo galay sanad iyo badh ka hor.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |