Kor u kac
ku yimid Qiimaha Raashinka oo saameyn ku yeeshay shacabka ku
dhaqan Goboladda SSC.
(Laascaanod, July
26,
2008 Ceegaag Online)
Markaan faalo gaaban ka bixino Xaalada Nololeed ee Gobolada
SSC,waxay maraysaa meeshii ugu xumayd ama la oran karo waxay
marayaan meeshii ugu saraysay.
Waxaa wax lala yaaba ah in xaalada nololeed ee gobolada SSC
ay marayaan meel aanay weligeed gaadhin,taas oo ay la qabaan
walaalahooda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Gudihiisa, kuwaas
oo aan lahayn meel ama cid ay ula cowdaan dhibaatada haysata.
Weliba gobolada SSC waxaa usii dheer iyadoo aanay ka jirin
maamul toos oo ka taliya Goboladaas, Sicir barar baahsan
ayaa ku dhiftay gobolada SSC, raashinka Daruuriga ah ayaa
gaaray meeshii ugu saraysay Tusaale ahaan
1.
50kg ee bariiska ah wuxuu marayaa 2milyan oo Sh/so,
2.
50kg ee burka ah wuxuu marayaa 2milyan oo Sh/so,
3.
50kg ee Sonkorta ah waxuu marayaa 1milyan kaas oo ah midka
ugu jaban.
hadaba xaalada ka jirta gobolada SSC waa xaalad aanay ku
noolaan karin dadweynaha danyarta ahee aan helikarin 1$
maalintii,marka laga reebo 100/5 la oran karo way heli
karaan biilkooda.
Mida
kale majiraan Hay’addo caawiya oo ka tirsan Labada maamul,
ugu dambayntii Shacabka SSC mahaystaan meelay kaga
baxaan,cid ka saarta iyo si ay uga baxaan dhibaatada adag ee
haysata.
Xafiiska
Wararka Ceegaag.com
Laascaanod
webmaster@ceegaag.com |