shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha (Shaciya) Eritrea Isaias Afewerki oo Amar ku bixiyay in la dilo Sheekh Shariif.

(Asmara, July  25,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Shaciya (Eritrea) Isaias Afewerki ayaa Amar ku bixiyay in la dilo Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u Xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed isagoo balan qaaday inuu ku bixinayo dhaqaale kaste oo lagu fulinayo Arinkaas.

Wararka ka imaanaya magaalada Asmara ayaa sheegaya in Rag ka tirsan Garabka Xasan Daahir Aweys qaarkood ee ku sugan Magaalada Asmara ka xun yihiin markii ay arinkan maqleen laakiin aysan jirin wax ay ka qaban karaan, taas oo ay niyad jab ku noqotay Amarka uu bixiyay Madaxweynaha Shaciya (Eritrea) Isaias Afewerki.

Warkan oo si hoose ay u heshay Sirdoonka Dowladda  Jamhuuriyada Jabuuti oo aad u ilaalinaysa Amaanka Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed,si looga hortago qorshaha uu damacsan yahay Madaxweynaha Shacbiya Isaias Afwarke iyadoo la helay warar sheegaya in Rag Soomaali ah loosoo dhiibay Bistoolado ay soo galeen Dalka Jabuuti si ay u fuliyaan Amarka Cadowga Danaha gaarka ka leh dadka Soomaaliyeed ee Xusul duubka ugu jira sidii Nabad waarta aysan Uga dhalan Dalka.

Sirdoonka Jabuuti markii ay ka war heleen arinkan ayay sii laba jibaareen adkeynta Amaanka Sheekh Shariif iyo Masuuliyiinta kale oo uu ka mid yahay Prof. Cadow.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com