shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Muqdisho ku soo laabtey iyo Hoobiyayaal lagu weeraray oo dad rayid ah ay ku dhaawacmeen.

(Muqdisho, July 04,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf  Axmed ayaa saaka aroortii ku soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo qaybgaley shirkii 11-aad ee wadamada midowga Afrika kaas oo ka dhacey Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa soo galbiyey ciidamo isugu jira Dowladda Federaalka iyo Ciidamada nabad Ilaalinta ujooga magaalada Muqdisho ee AMISOM waxaana loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Ilaa iyo  seddax  Hoobiyaal  ayaa subaxnimadii hore ee saaka   lagu weeraray garoonka caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho, sida la sheegay madaafiicda saaka lagu weeraray garoonka ayaa ku dhacay xaafado dad rayid ah ay deganyihiin oo ku dhow garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho.

madaafiicdaas ayaa Dhaawac u geystay 3 qof oo rayid ah waxaana  la xaqiijiyay in haweenay iyo wiil yar oo ay dhashay ay ku dhaawacmeen madfac hoobiye ah oo ku dhacay gurigooda isagoo burburiyay  aqalkoodii qayb kamid ah.

Ma jirto cid ilaa iminka sheegatay inay ka dambeysay weerarkan saaka lagu qaaday garoonka Aadan Cadde  International Airport, Waxaana hadda dib  u furmey wadada Makka Al-mukarama oo saaka ciidamo Soomaali iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM isugu jira ay xireen.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com