shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Munaasabada 1-da Luulyo oo si heer sare ah looga xusay Guud ahaan Dalka Soomaaliya.

(Somalia, July 01,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa maanta dalka Soomaaliya oo dhan si wayn looga xusay Munaasabada 1-da Luulyo oo ah Maalintii Gobolada koonfureed ay ka xoreebeen gumaysigii Talyaaniga iyo Israacii labadii Gobal ee Waqooyi iyo Koonfur ee ku beegneed 1960kii. Xaflado lagu maamuusayo munaasabadaas qiimaha badan ayaa waxay ka dhaceen dalka  gudahiisa iyo dibadiisaba. Waxayna dadweynaha Soomaaliyeed meelba ay joogaanba munaasbada 1-da Luulyo oo ka wareegtay 48 sanno ku soo dhaweeyeen farxad iyo qiiro wadaninimo.

Maalintaas qiimaha badan waxey dadka Soomaaliyeed xasuusineysaa Abaayaashii Soomaaliyeed oo dhiigooda iyo naftooda u huray iney dhisaan dal Soomaaliyeed oo madax banaan, kaas oo dadkiisa ugu adeega si gobonimo leh.

48-sano kadib markii uu dalkeena qaatay madaxbanaanida ayaa waxaa nasiibdaro ah in wali ay dalkeena ka holcayaan dagaalo sokeeye oo sababay dhibaatooyin farabadan oo soo gaaray dadka rayidka ah kuwaas oo isugu jira dil, kufsi, dhac,  burbur, barakac iyo sicirbarar laxaad leh, taas oo sababay in Dadka dan'yarta saameynta ugu balaadhan ay ku yeelato.

www.ceegaag.com

 

  

webmaster@ceegaag.com