shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nolosha Silica iyo Darxumada leh ee Haysata Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku Jira Xerada Dhadhaab (Daawo Sawiradda).

(Dhadhaab, July 17,  2008 Ceegaag Online)

Dadka Qaxootiga ah ayaa waxaa loo Rarayaa Xerada Kaakuma ee Dalka Kenya Dadkan ayaa u badan dadkii ka soo Barakacay Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka soconayay Dalka Somaliya dadkan ayaa waxay iskugu jiraan kuwii Kasoo Qaxay Dagaaladii u dhexeeyay Hogaamiya kooxeedyadii Muqdisha iyo Maxkamadihii Islamigaa iyo Dagaaladi u dhexeeyay Dowlada KMG iyo Maxaakimta Dadkan ayaa maalinba maalinka ka dambaysa soo Buux dhaafinaya Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab Mar aan Booqday Xarunta Hay’adda UNHCR ee Qaxootga ayaa waxaan arkayay Dad aad u fara badan oo doonayay Kaararka Aqoonsiga Qaxootiga Dadkaas oo isugu jira Rag, Dumar  Caruur iyo Dad da’ah.
 
Kadib markii ay aragtay Hay’adda UNHCR in ay Xeryuhu ay buux dhafeen ayay waxay go’aan satay in dadkan loo raro Xerada Qaxootiga ee Kaakuma oo ay dadka Soomaalidu aad ugu yar yihiin si kastaba ha ahaatee waxaa Hay’addu Diwaan gelisay Dad aad u farabadan oo ku kala nool sadexda xero ee Dhadhaab waxayna Qeybtii Koowaad ka qaadeen saaka sadexda xerro ee Dhadhaab cadadooduna ahayd 1500 oo Qoys inta kalena waxay sheegeen in ay wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka dhameeynayaa inta Xeryaha Dheeraadka ku ah arintan ayaa fududeyn doonto culeys badan oo ay dareemayeen Dadka Qaxoontiga ahi oo Xagga Dhaqaalaha iyo Amnigaba. 

Daawo Sawiradda

W/D C/risaaq Maxamed Ismaaciil
Email: laaska468@hotmail.com
Tell No:254722827180/735179805

  

webmaster@ceegaag.com