Warar dheeraad
ah oo kasoo baxaya, tiradii ku dhaawacantay, Rabshadihii
maanta, ka dhacay Magaalada Hargeysa.
(Hargeysa, July
07,
2008 Ceegaag Online)
Warar aanu ka heleyno, goobaha Caafimaadka ayaa waxa ay
sheegayaan, in illaa iyo haatan tirada dhaaawaca, guud ahaan
caawa ay tahay, 7,ruux, halka mid ka mid ah todobadaasi ruux,
xaaladiisu aad u liidato,
dhinaca kale waxaa kaloo wararku sheegayaan, in caawa ay
isku hor fadhiyaan, qaar ka mid ah dhalinyarada xaafada oo
hubeysan, iyo Booliska, goobtii ceelka laga qodayay,
Maamulka Somaliland, oo rabta in Riigaa, lagasoo kaxeeyo,
darteed, iyo dhalinyadaa oo ka biyo diidsan,
Si
kastaba ha ahaatee, wax garadka deegaanku waxa ay sheegayaan,
hadii waagu baryo, oo ay Maamulka Somaliland isku deydo, in
ay meesha ka qaado riigani, in markale dib u bilaaban karaan
rabshadihii maanta dhacay kuwo ka daran.
Wixii kasoo kordha kala soco
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com
Hargeysa
webmaster@ceegaag.com |