Subxaanoow waa mahadaa, 26 June oo si aada laaga soo dhaweeyay Gobolada New England ee wadankan Maraykanka.
(Boston, June 26,
2008 Ceegaag Online)
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan New England ayaa u dabaaldagay munaasabada 26 June oo ah maalintii ugu horeesay Calan matalaya dadka ku hadla Afsoomaaliga laga taagay Geeska afrika, ama calan Soomaaliyeed laga taagay Ciida Soomaaliya.
Maalintan oo ah maalin ay dadka Soomaaliyeed ku xasuustaan markii laga dajiyay calankii Ingiriiska Gobolada waqooyi ee Soomaaliya ayaa iyadu haatan noqotay mid ay u dabaaldagaan dadwaynaha kasoo jeeda gobolada SSC oo ah kuwa iyagu dhiiga ugu badnaa u daadiyay Xoraynta Soomaaliya.
Munaasabadan oo aanba lagu xusin Caasimada Gobolada waqooyi ee Hargaysa iyo tan Gobolka togdheer ee Burco, ayaa argagaxa aad u balaadhan galisay dadyawga kasoo jeeda SSC iyadoo haatan uu maamulka Gobolada Togdheer iyo Waqooyi galbeed la wareegay maamulka Gobolka Sool ee Caasimada SSC.
Halgankan xoraynta Soomaaliya siiba tan Gobolada Waqooyi oo lakala badsaday balse guushiisii isku si loo wada maalay, ayaa maanta u muuqata in ay reer SSC ku xusuusanayaan*- Abayaashood iyo Awoowayaa-shoodii ku Shihiiday ilaalinta Diinta iyo Ciida Soomaaliyeed siiba tan Gobolada Waqooyi ee Dalka.
Waxaa wax la layaabo ah sababta maalin taariikheedkan looga xusi waayay Burco iyo Hargaysa oo Dhiig badan u daadiyay gaadhida guushii maalintan ee 26 June 1960 kii.
Shacabkii aadka u tirada badnaa ee kasoo qaybgalay Xafladan ayaa iyaga oo aad u faraxsan ka munaaqa-shooday xaalada dalkii hooyo iyo sidii wax laaga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira sida ugu dhaqsaha badan.
Daawo Sawirada Xaflada
Waxaan idiinkaga taganaa Alle ha u naxariistee Halgamaa Cabdulaahi Suldaan Timacade ee weedhiisa aynu cinwaanka maqaalkanku furanay.
Anigoo sebi uun ahoo Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay I su'aala hadhow
Ilaahaan waxba seegine Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow` Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax
Subciyay oo ka dukeeyaye Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow Saaxirkii kala guurrayeaha
Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar
Saahidiinta lslaamka e Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar
Sallaankii istiqaalkow Sedadu kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
San-ku-neefle dhammaantii Khalqiga kii u sinnaayeen
Mid saaxiib la ahayne Sangalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar
Soomaloo iscunaysa oo Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo Hadba soof la xabbaadhiyo
Saraayaa dami weyde Kii laydhiisu na saaqdayow
Kii sadqeeyey qabaa'ile Isu saaray gacmaa ee
Saf walaala ka yeelayow Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
In sidayda tihiin iyo In kalaanan saxaynine
Soomaloo calan taagta Saakay noogu horraysa oo
Saddex wiig iyo maalmo Haddaan Soor cuni waayo
Safrad laygama yaaboo Sarina mayso naftayda e
Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar
Nimankii na Siraayaye Waaxwaax noo kala saaftaye
Solanaayey cadkeenna e Innagoo dhexda suunku
Sabarkeenna qarqooray Kii sedkeenna Cunaayaye
Sarartiisa ka muuqdaye Surwaalkii ka yaraadaye
Daaro loo sibidheeyiyo Sariiraa lagu seexdiyo
Kabadh suuf laga buuxshiyo Mid baabuurka safeeyiyo
Aayad saarta carruuurtiyo Sagaal boy iyo kuug iyo
Weliba seeksa lahaa Kii saabaanka u laabayow
Saaxirkii kala gaurraye Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar
Sawjarkaa hubka qaataye Intuu soodhka ku taagey
U diyaara salaantiyo Saraakiisha amraysaay
Sifihii isticmaarka Ka siyaadiya maanta oo
Sibilkiinnan ag joogow Sibirtiisa istaaga oo
Nin walbaan sigib beeloo Sarow taaga gacmaa oo
Sacabkaysku garaaca oo Nin walbow saddex goor
Subxaanow waa mahaddaa dheh
Subxaanow waa mahadaa
Subxaanow waa mahadaa
Subxaanow waa mahadaa!
webmaster@ceegaag.com |