shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

26 June 1960 Maalin ku weyn Umadda Soomaaliye-ed gaar ahaan kuwa Goboladda Waqooyi.

(Somalia, June 26,  2008 Ceegaag Online)

Xuska Sannad-guurada 48-aad ee ka soo wareegtay maalintii Goboladda Waqooyi ay xornimadooda  ka qaateen Mustacmaradii Ingiriiska 26-kii June 1960, ayaa maanta loo dabbaal-degayaa.

26 June, oo ah maalin qiimo weyn ugu fadhida Bulshada Soomaaliyeed  oo kaga xuub-siibtay heeryadii Gumaystihii Ingiriiska oo muddo siddeetan sannadood ah maamulayey Dhul Soomaaliyeed oo ah dhulkii loo yaqaanay “British Somaliland Protectorate,” waxa sannad walba munaasibaddo lagu xusayo lagu qabtaa Dhamaan Magaalooyinka waa weyn ee Dalka gaar ahaan kuwa Goboladda Waqooyi.

Hadaba Marka laga hadlayo 26 June, waa maalin ku astaysan xornimo, waa maalintii ugu horraysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed dadka Gobolada Waqooyi ama Soomaalida oo dhan maalintaasi waxay u ahayd farxad iyo rayn rayn ay ku dheehnayd Wadinimo.

26 June 1960 waa maalintii ay dhalatey SOMALI REPUBLIC astaandeeduna aheyd calanka Buluuga ee xidigta cad dhexda ay uga taal.. Haddaba dhalashadii SOMALI REPUBLIC EE ASTAANTA U AHAA CALANKA BULUUGA IYO AASKII LA AASEY MAGACII INGIRIISKA EE AHAA (BRITISH SOMALILAND)  26 June 1960 waa maalin xusid mudan iyo maamuus dhamaan umadda Soomaaliyeed ee ku nool Goboladda Waqooyi iyo Koonfur . maalintaa qiimaha baddan ma aha kaliya in laga xuso Magaalooyinka waqooyiga Somalia oo kaliya sida Hargeysa, Laascaanod, Burco, Boorama, Buuhoodle, Ceerigaabo, Badhan, waa in laga xusaa dhamaan dhulka Soomalidu dagto Waqooyi iyo Koonfur waayo waa maalintii Calanka Buluuga waa maalintii dhalashada Jamhuuriyada SOOMAALIDA.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com