C/Qaasim Salaad
Xasan oo Gaaray Magaalada Qaahira dhaq dhaqaaq Siyaasadeedna
ka bilaabay halkaas.
(Qaahira, June 25,
2008 Ceegaag Online)
Madaxweynihii dowladdii
Carta Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo hogaminaayo wafdi Balaran
oo dhawaan kas baxay Magaalada Muqdisho ayaa hatan ku sugan
dalka Masar, C/qaasim iyo wefdigiisii ayaa ugu horentii waxa
uu bilaabeen dadaalka ay ugu jiraan inay ka qaybqataan
dadaaladda dib u heshesiinta ee lagu Balansan yahay dalka
sacuudiga in lagu soo gaba gabeeyo.
C/Qaasim Salaad Xasan
ayaa khudbad ka jeediyey Jaamacadda Afrika University ee
magaalada Qaahira Isagoo ka hadlay dhibaatada ka socota
magaalada Muqdisho, kuna eedeeyey, Ciidamada Itoobiya inay
yihiin kuwo si bareer ah u geysta xad-gudubyo iyo
gabood-fallo ay kamid yihiin, Dil, Dhac, Barakicin iyo Kufsi,
iyo weliba burburinta kaabayaashii dhaqaale ee bulshadu
lahayd ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan.
Sidoo kale C/Qaasim, ayaa soo hadal qaaday dhibaatooyinka ka
jira Soomaaliya in ay qayb ka tahay dowladda Maraykanka
isagoo ku eedeyay in ay dano iyo maslaxado fog-fog ay ka
leedahay badda iyo berriga Soomaaliya, Quwadahaasoo sida uu
sheegay Dr. C/Qaasim aaney jirin sharciyo iyo xeerar
xakameeya.
C/Qaasim ayaa sidoo kale
ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, in ay ka shaqayaan
midnimada iyo wadajirka, si loo soo celiyo Qaranimadii
Soomaaliya ee dhintay, Wuxuuna si gaar ah uga codsaday
qurba-joogta Soomaaliyeed ineysan ka shaqeyn qabyaalad iyo
kala fogeyn, balse ay u guntadaan sidii ay sharaftooda u
ilaashan lahaayeen, waxaana sharaftiinu ku jirtaa buu yiri,
inaad idinku marka hore is sharaftaan.
Mar wax laga weydiiyay
C/Qaasim Salaad Xasan Shirkii Jabuuti iyo wixii lagu
heshiiyey, ayuu ku Jawaabay;- sharka jabuuti bilaaw ayuu
ahaa, waxaan sugaynaa dhamaystirkiisa ka dhici doona Wadanka
Sacuudi bisha soo socoto.
C/Qaasim wuxuu u mahad
celiyay Wadanka Masar, dhinaca Siyaasada isagoo sheegay in
dalkani uu weligiiba door weyn kaga jirey arrimaha Soomaliya,
iyagoo ku bixiyey xoog iyo xoolaba xoriyaddii Wadanka
Soomaaliya waxuuna hadalkiisa ku daray Masar waxay calanka u
siddaa Afrika iyo Carabta, waxaadna aragtaan sida
Qowmiyadaha labadaas urur-goboleed ay dalka Masar ugu soo
doontaan waxbarashada arinkan ayaa waxa uu u muuqda
Jamacadda carabta inuu ku cadaadaniyo inay isku keento
dhinacyadda siyaadda Soomaaliya isku haya shirka ka dhici
doono dalka Sacuudiga.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |