Dowladda
Federaalka iyo Isbaheysiga Asmara oo isku afgartay in
Safiirada Shisheeye laga saaro Shirka.
(Jabuuti, June 05,
2008 Ceegaag Online)
Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyo Mucaaradkeeda ee ku shirsan Magaalada Jabuuti
ee xarunta dalka Jabuuti ayaa isku afgartay in safiirada
shisheeye laga saaro shirka uga socda magaalada Jabuuti
kadib markii uu shirka maalintii shalay hareeyey khilaaf ka
dhashay ka qeybgalka shirka ee safiirka dowladda
Ethiopia u fadhiya dalka
Jabuuti.
Wakiilka gaarka ee
Qaramada Midoobay Ahmedu Ould Abdallah ayaa sheegay in la
xaliyey khilaafkii yaraa ee shalay dhacay, isagoo intaa
raaciyey in dhinacyada isku haya siyaasadda ay isku
afgarteen in dhamaan safiirada dowladaha shisheeye ee ka
qeyb galayey shirka goobta uu shirka ka socda laga saaro.
Wakiilka Qaramada
Midoobay ayaa shalay illaa xalay kulamo gaar gaar ah la
qaadaneyey labada dhinac, waxaana uu ugu dambeyn ku
guuleystay in uu ka dhaadhiciyo labada dhinac in ay muhiim
tahay in shirka la sii amba qaado.
Guddoomiye ku xigeenka isbeheysiga dib u xoreynta C/raxmaan
Janaqow ayaa sheegay in iminka la xaliyey khilaafka
islamarkaana ay rajeynayaan in ay sii amba qaadaan shirka
qeybihiisa kale.
Wuxuu intaas raaciyey in
khilaafka uu markii hore ka dhashay safiirka Ethiopia oo
goobta soo galay islamaraana aaney suuragal aheyn in dad ay
cadowtooyo kala dhexeyso ay goob qura wada fariistaan sida
uu hadalka dhigay.
Maalintii shalay ayey
xubnaha mucaaradka ah ee isbeheysiga dib u xoreynta isaga
bexeen hoolkii uu ka socday siminaarka kadib markii uu
goobta soo galay safiirka Ethiopia u jooga dalka Jabuuti.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |