Ergadii ka
socotay Mucaaradka ayaa ka baxay madashii shirka kadib
markii Safiirka Ethiopia ee Jabuuti uu goobta soo galay
(Jabuuti, June 04,
2008 Ceegaag Online)
Shirkii Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka uga socday dalka
Jabuuti ayaa madashii uu ka dhacay waxaa isaga baxay Ergadii
ka socotay xubnaha isbeheysiga Mucaaradka kadib markii
goobta uu soo galay danjiraha Dowladda Ethiopia u fadhiya
Dalka Jabuuti.
Xubnaha mucaaradka ayaa
dalbaday in Danjiraha dowladda Ethiopia laga saaro madasha
oo uu ka socday Seminar haddii kale ay isaga baxayaan goobta,
hase ahaatee wasiirka dib u heshiisiinta dowladda Federaalka
ayaa difaacay Danjiraha Ethiopia taas oo keentay in Ergadii
mucaaradku madasha shirka isaga baxaan.
Wakiilka gaarka ah ee
Qaramada Midoobay ayaa markii mucaaradku ka bexeen shirka
waxa uu bilaabay dhexdhexaadin, iyadoo wararka laga helayo
dalka Jabuuti ay sheegayaan in mucaaradku ku adkeysanayaan
haddii aan goobta shirka laga saarin danjiraha Ethiopia in
aaney ka qeyb galeynin siminaarka.
Safiirka oo markii dambe
tagay Hotel-ka ay ku jiraan Ergada laba dhinac ayaa kulan la
qaatay Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Jabuuti iyo kuwa
Qaramada Midoobay, waxa uuna safiirku sheegay inuu Xaq u
leeyahay inuu Madasha Shirka ka qayb galo maadaama lagu
marti qaaday Cid ka hor istaagikarana aysan jirin.
Ergada
mucaaradka ee ka qeyb galeysa shirka ayaa ku adkeysaneya in
danjiraha Ethiopia aanu soo gali karin madasha shirka haddii
kale aaney ka qeyb gali doonaan wada hadalka, waxaana iminka
soconaya dadaalo uu wado wakiilka gaarka ah ee Qaramada
Midoobay taas oo la xiriirta sidii uu goobta mar kale ugu
soo celin lahaa xubnaha mucaaradka ah.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |