Jamaal X. Cali Cilmi oo ka Jawaabay Gabaygii Halxidhaalaha ahaa ee uu tiriyay Abwaan Maxamed Hiirad
(Edmonton, Canada.
June 28,
2008 Ceegaag Online)
Abwaan HIIRADOOW gabaygu waa hibiyo liibaane
Hurinteeda maansada tolkaa waw horraynjiraye
Hiddo wawlahaydeen murtida tan iyo haabiile
Hagranmaayo oo waan aqaan hoballadiinniiye
Hanad AADAN iyo SAMATAR baad hilib wadaagtaane
Heerkay ka gaadheen murtida haatan laga hoogye
Habdhaceeda maansada ninkaan heerka sare gaynin
Ee hoos u dhaadhaca ma helo hadallo waawayne
Halxidhaalihii aan furee hodanka yaasiin dheh.!
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
HAGAR baa nalaayee tolkay idinma heerayne
halyeey iyo nin shiikhiyo barbaar hanad la soo doortay
hadhcad baad ku wadatoogateen heelki AANGALO E
May helikartaa xaajadaa haadan ku illaawo?
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Hurti waa islaysaa misana dib u heshiisaaye
Hadalbaa wax daaweeya iyo hilinka diimeede
Waataad sidii niman hulqa ah noola hadasheene
HABARWAAGU waa wada ogyahay labada haamoode
May helikartaa xaajadaas haadan ku illaawo?
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Annagoo halgaaddii qabnoo hibo naloo keenin
Oo wali hamuuntii qabnoo wada haliilayna
Hal nin baad u wada toogateen hurin dhammaanteede
May helikartaa xaajadaas haadan ku illaawo?
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Halgankii daraawiish markaan huriyay baaruudda
Haamaha SHIRSHOORUHU markuu faraska heensaystay
Ee faranjigii soo harjaday hanaqa aan gooynay
Hadh cadbaad dhaqaaqdeen sidii duul habaarqabe e
HABARYOONISbaad raacday iyo HABARXABUUSHEEDE
Huwan baad ka raacdeen raggii hoday daraawiishe
Maantana ninkii haybiyaad hoos u dhigaysaaye
May helikartaa xaajadaas haadan ku illaawo?
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
HUUNNADA intaad maagaysiyo HABARMAGAADLAYDA
Iyagaaba hoy ii noqdoo habay agoontiiye
Hantiday nasiiyeen ka badan harada ciideede
HARTI maxaan ku raacaa wakaa hoday dhulkaygiiye
May helikartaa xaajadaas haadan ku illaawo.?
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Mar haddii habkii GOBI lahayd lagu heshiinwaayay
Oo layhadoodilay waxaan hibo la iisiinin
Ood hoos marteen xeerarkii horay inoo yiillay
HAYAAG waayi maysaan haddaad aano hibataane
Hebedbaa ilaah kaaga dhigay hoos u foorare e
Hebellaan na taabicin intaad ku hantafooqayso
Idinkaa haldheeriga wadiyo toban haldhaayiine
Haadaa
DHULBAHANTAA yaqaan hooyoo iiqabo e
Halihiinna qaato markale na hunjufaalleeya.
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Heddu way
gashaa oo adduun hiintisiig malehe
Hammibaa wax lagu raadiyaa hodan dariiqaade
Hor ilaahay waxaad gaysataa kuu hantiina ahe
Halganbaan u soo galay inaan Hagar ka guurraaye
Kolhaddaan
hayaankii ku furay harada CEEGAAGO
Ooy manta haanshaarmayaan sida hushaamiinta
Inkastooy isyara hiifayaan
HALACNA ceebeeyay
Hawraartu waw wada jirtaa oo waa heshiis dhabahe
Haakaallah eebboow adaan kuu hanuunsamaye.
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Halxidhaalihii maan dhammayn himiladiisiiye
Hooyaa i soo eegaysoon u hamranaayaaye
Habaar waalid waalaga baqaa
iyo hiifan godobeede
Hadafkaygu maahayn inaan hagar colaadshaaye
Idinkaa habaar galabsadoo huriyay baaruude
Idinkaa habkii loo dhaqnaa heel ka raaridaye
Idinkaa sidii huufannaa noo harraatiyaye
Idinkaa sidii habardugaag noo hanfuuqsadaye
Idinkaa hingaalada u xidhay hooyayaal
badane
Hiddihiinni idinkaa ka tagay huufanaan jiraye
Hadafkiinna maangaran waxaad nagu halgaaddeen
Hubka dhiga haddii kale colaad haawisa ah doorta.
Jamaal Xaaji Cali Cilmi
webmaster@ceegaag.com |