Kooxo
Hubeysan ayaa xalay ka afduubtay Deegaanka Ceelasha Madaxii
Hay’adda UNHCR ee Magaalada Muqdisho.
(Muqdisho, June
22,
2008 Ceegaag Online)
Kooxo hubeysan ayaa afduub
u geystay Madaxii Hay'adda UNHCR ee magaalada Muqdisho
Mudane Xasan Maxamed Cali oo ku sugnaa hoygiisa oo ku yaala
deegaanka Ceelasha biyaha oo ah halka ugu badan oo ay ku
barakeceen dadkii ka cararay dhibaatooyinka ka aloosan
magaalada Muqdisho.
Kooxo wata gaari yar aadna
u hubeysan ayaa abaaro 9:00 habeenimo waxa ay gudaha u
galeen hoyga sarkaalka halkaas oo ay ka qafaasheen sida ay
sheegtay marwada sarkaalka oo ka hadashay qaabka ay
kooxahaasi hubeysan afduubka ugu geysteen seygeeda.
"Waxay inoo soo galeen
guriga, wayna kexeysteen, markii aan isku dayey inaan la
hadlana rasaas bey hoos iigu fureen" ayey tiri marwada
sarkaalka oo ka tirsanaa hay'adda UNHCR.
Lama oga illaa iyo hadda
halka ay kooxahaasi la aadeen sarkaalka iyo ujeedada ka
dambeysa afduubka ay kula keceen, hase ahaatee dadka
barakacayaasha ah ayaa walaac ka muujiyey afduubka loo
geystay sarkaalka ka tirsanaa shaqaalaha hay'adda UNHCR ee
Soomaaliya.
Gobolka Sh/hoose ayaa
bishii ina dhaaftay waxaa lagu afduubtay labo shaqaale
ajnabi ah iyo qof Soomaali ah kuwaas oo weli ku jira gacanta
afduubayaasha, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dambeeyey la
heystayaashaas.
Afduubka ayaa Soomaaliya ka
noqday mid badanaa ay kooxo hubeysan geystaan, waxaana
afduubayaashu ay dalbadaan lacago badan si ay u sii daayaan
dadka ama maraakiibta ay qafaashaan
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |