Ra’iisal
wasaare Nuur Cadde oo u faahfaahiyay Golihiisa Wasiirada
Heshiiskii Jabuuti ay kula galeen Mucaaradka.
(Hargeysa, June
19,
2008 Ceegaag Online)
Ra'iisal Wasaaraha dawladda Federaalka Somaliya Nuur Xasan
Xuseen Cadde ayaa maanta u faah faahiyay Golihiisa wasiirada
heshiiskii dhawaan Magaalada Jabuuti ay kula gaareen
Mucaaradka Asmara iyo qaabka loo meel marin karayo.
Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu xusay in heshiiskaasi
uu ahaa mid taariikhi ah isla markana ka tarjumaya dadaalka
xukuumadiisa ee u tafa xeydatay heshiisinta iyo ku
dhaqaaqida isu keenida siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Xubnaha Golaha wasiirada ayaa su'aalo ka weydiiyay Ra'iisal
Wasaaraha qodobada heshiiska qaarkood ee mugdiga uu ku jiro
waxaana uu qiray in wax waliba ay ka fiirsadeen ka hor intii
aysan saxiixin sidaasi darteedna ay sugayaan natiijooyin
wanaagsan.
Waa kulankii labaad mudo todobaad gudihiisa ah oo Golaha
wasiirada ee ku sugan magaalada Muqdisho ay ka hadlaan
arrimaha shirka Jabuuti,iyadoona dhawaan ay soo saareen baaq
ku aadan in la meel mariyo go'aanadii Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyo Mucaaradkeedu gaareen.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |