Afhayeenka
Madaxtooyada DF oo sheegay in weerarada lagu qaado ciidamada
Itoobiya aysan waxba u dhimi doonin heshiiskii Jabuuti
(Muqdisho, June
17,
2008 Ceegaag Online)
Afhayeenka
Madaxtooyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed
Max’uud (Xuubsireed) ayaa ka hadlay dagaalada maanta ka
dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Heliwaa, Kaaraan iyo
Yaaqdhiis ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeyey
ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka oo dhinac ah
iyo kooxaha ka soo horjeeda, isagoo ku tilmaamnay iney yihin
kuwo nasiib daro ah oo an xiligan loo baahneyn.
Isagoo ka
hadlayey shir jaraa’id oo goor dhoweyd ka dhacay xarunta
madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa
afhayeenku uu intaa ku daray in dagaaladaasi aysan waxba u
dhimi doonin heshiiskii ay dhowaan ku kala saxiixdeen
magaaladda Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti
isbaheysiga dib u xoreynta Somalia iyo Dowladda Federaalka
wuxuuna sheegay in dagaalada socda ay yihiin kuwo u dhacaya
si aan ku talo gal aheyn ayna joogsan doonaan marka ay
howlgalaan guddiyadda farsamo ee labada dhinac ka kooban,
kuwaas oo uu sheegay iney hirgelin doonaan xabad joojinta
heshiiskaas lagu gaaray.
Xuubsireed oo
ka jawaabayey Su’aal aheyd sababta markab xoolo ah loogu
deeqay walaalaha jabuuti iyadoo shacabka Soomaaliyeed qaar
badan oo ka mid ah ay u dhimanayaan macluul iyo Gaajo ayuu
sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Somalia uu
gartay in lagu caawiyo walaalaha Jabuuti oo dagaal uu kala
dhexeeyo dalka Eritrea ee deriska ay yihiin, isla markaana
shacabka reer Jabuuti ay yihiin kuwa mudan in la taageero
bacdamaa uu cadow ku soo duulay sida uu hadalka u dhigay
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |