Ahmed Ould
Abdallah oo sheegay in qaraar laga soo saarayo dadka isku
daya in ay fashiliyaan Heshiiskii Jabuuti
(Washington, June
19,
2008 Ceegaag Online)
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Ahmedou
Ould Abdalah ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin
canaasiirta dooneyso in ay fashiliso Heshiiska Jabuuti,
isagoona tilmaamay in dagaal oogayaasha Soomaliya ee
xaasaska iyo caruurta u joogin Soomaaliya ay Qaramada
Midoobey qaraar ka soo saartay.
Isagoo saxafiyiinta kula hadlayay Magaalada Washington ee
Dalka Mareynkan ayuu sheegay Ahmed Ould Abdallah in
Soomaalidu yihiin Muslim, isla markaana looga baahan yahay
in heshiiska wada oofiyaan, laakiin kuwo qowleysato ah oo
caruurtooda iyo xaasaskooda qurbaha u joogo ayuu farta ku
fiiqay in ay wadaan wax aan loo dul qaadan doonin
Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in Qurba joogta
Soomaaliya ay kaalin mug leh ku leedahay Siyaasadda
Soomaaliya loona baahanyahay in ay Kaalin ka gaystaan Qurba
joogta Soomaaliya.
"Waa arrin xaqiiq ah in Hogaamiyaal dagaal ay Qurbaha Xasaas
ku leeyihiin Qaramada Midoobey waxay ka soo saartay Qaraar
Tirsigiisu ahaa 14,18 oo qabya ah Ilgooni ah ayaana lagu
hayaa" ayuu yiri Ahmed Ould Abdallah.
Wuxuu sheegay in bilowga bisha soo socoto ay dhinacyadii
heshiiska ku gaaray Jabuuti ay u baqooli doonaan Magaalada
barakeysan ee Maka Al-Mukarama ee Dalka Boqortooyada Sacuudi
Carabiya, si ay heshiiska ugu soo saxiixdaan ugana soo
cibaadeystaan ayuu yiri Ahmed Ould Abdallah oo ka soo jeeda
Dalka Mauritania.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |