shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ban Ki Moon ayaa si weyn usoo dhaweeyay Heshiiska ay dhawaan gaareen Dowladda KMG iyo Mucaaradkeeda.

(New York, June 11,  2008 Ceegaag Online)

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn u soo dhaweeyey heshiiskii ay dhawaan dalka Jabuutgi ku gaareen dowladda KMG ah iyo isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya kuwaas oo muddo wada hadalo uu dhex dhexaadinayey wakiilka gaarka ah ee Qaraama Midoobay ku lahaa dalka Jabuuti

Ban Ki Moon ayaa sheegay in heshiska ay wada gaareen labada dhinac uu yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahan yahay in la hirgaliyo si shacabka Soomaaliyeed ee mudada badan dhibaatooyinka gu soo jiray ay ugu diirsadaan.

Wuxuu intaas raaciyey Mr. Ban Ki Moon in Qaramada Midoobay ay dadaal ku bixisay sidii loo heshiisiin lahaa dhinacyda Soomaalida, isagoo amaan u soo jeediyey wakiilkiisa gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya oo uu sheegay in uu dadaal badan ku bixiyey sidii heshiis ay u gaari lahaayeen dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale amaanay Mr. Ban Ki Moon dowladda Jabuuti oo uu sheegay in ay dadaal badan bixisay mudadii uu shirka socday, isagoo sheegay in ay waxyaabo badan fududeysay sida habsami socodka iyo iyadoo qeyb ka qaadatay sidii dhinacyada Soomaalida ah heshiis ay u wada gaari lahaayeen.

Hadalka taageerada ah ee uu soo saaray Ban Ki Moon xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ay heshiis ku wada gaareen dalka Jabuuti dowladda KMG ah iyo mucaaradka dib u xoreynta

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com