shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Ethiopia oo ka baxay gudaha magaalada Baledweyne iyo buundada Liiqliiqato oo dhawaanahan ay ku sugnaayeen.

(Baledweyne, June 14,  2008 Ceegaag Online)

Ciidamada Ethiopia ee todobaadyadii ina dhaafay ku sugnaa gudaha magaalada Baledweyne ayaa halkaasi faarujiyey iyagoo ka guuray saldhigga ciidanka ee magaalada Baledweyne iyo buundada Liiqliiqato oo dhawaanahaan ay ku sugnaayeen.

Wararka laga helayo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in guud ahaan ciidanka Ethiopia ay faarujiyeen saldhigyadii ay ka joogeen gudaha magaalada Baledweyne,iyadoo aan la ogeyn halka ay u weecdeen.

Dadka Reer Baledweyne ayaa si aad u soo dhaweeyey bixitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha magaalada Baledweyne iyagoo sheegay in ay dhibaatooyin kala duwan ku qabeen ciidamada Ethiopia intii ay ku sugnaayeen gudaha magaalada Baledweyne.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo la xiriira bixitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha magaalada Baledweyne, hase ahaatee waxa ay arrintaan imaaneysaa xilli maalin ka hor ciidamada Ethiopia ay faarujiyeen deegaanka Jante kundishe oo ay ku sugnaayeen.

Arrimahaan ayaa ku soo beegmaya xilli xoogagga hubeysan ee al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Feerfeer oo ay ku sugnaayeen ciidamo Ethiopian ah waxaan la sheegay in ciidamada Ethiopia ee ka baxay gobolka Hiiraan ay u ruqaansadeen dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com