Ciidamada
Qaramada Midoobay ee la keenayo Somalia oo la shaaciyay
dalalka ay ka imaan doona.
(New York, June
17,
2008 Ceegaag Online)
Qaramada
Midoobay ayaa waxay doonaysaa in Ciidamada la keenayo
Soomaaliya ay ka yimaadan dalal Islaam ah oo dhaqan iyo Diin
la wadaagan dadka Soomaaliyed si loo yareeyo khatarta ku
imaan karta Ciidamada Caalamiga ee tagaya Soomaaliya.
Iyadoo
laga faa'iideysanayo waayo aragnimadii laga dhaxlay dalalka,
Afganistan iyo Ciraaq oo laga dhaxlay dhibaatooyin fara
badan oo saldhig u ah Ciidamada Shisheeye ee dalkaas la
geeyay kuwaas oo u badan dalal aan haysanin Diinta Islaamka
taasina sababtay in ay Ciidamada dalalkaas lagala hortago
dagaal iyo Kacdoon ka dhan ah ayaa Qaramada Midoobay waxay
doonaysaa inay bedesho qorshahaas.
Waxay ku
fikiraysaa Qaramada Midoobay in Soomaaliya Ciidamada la
geynayo ay ahaadan kuwa u badan dalalka Islaamka, waxaase
dhici karta in Ciidamadaas ay qeyb ka ahaadan kuwa ka socda
dalal kale oo aysan haysanin Diinta Islaamka.
Ra'iisal
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur
Cadde) oo booqasho ku tagay dalka Turkiga ayaa waxaa uu
halkaas kula kulmay madaxda dalkaas isagoo kala hadlay
arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Ciidamada la keenayo
Soomaaliya.
Turkiga
waxaa ay doonayaan in dhinaca taakuleynta Ciidamada ay ka
qeyb qaataan, waxayna ballan qaadeen inay tallaabadaas ka
dhabeyn doonaan haddii ALLE cidmo.
Waxyaabaha
laga hadlaya waxa ka mid ah Ciidamada laga keeno dalka Urdun,
Maleeshiya Indonesia, Pakistan, Bangladesh iyo dalal kale oo
Islaam ah.
Ciidamadan
ka imaanaya dalalka Islaamka ayaa laga yaaba inay u
cuntimaan Soomaalida maadama waxyaabaha lagu diidanaa
Ciidamada dalalka Islaamka ahayn ka imaanaynin keeni karaan
dhibaatooyin kala duwan.
Laakiiin caqabada ugu weyn ee hor istaagi karto Ciidamada la
keenayo Soomaaliya ayaa waxay tahay diidmada ka soo yeerayso
Isbaheysiga Asmara garabka Xasan daahir Aweys oo
taageerayaal Islaami ah oo aad u hubeysan ku leh Soomaaliya
iyo Ururka Al Shabaab oo isna wata awoodiisa adag
Qorshaha lagu keenayo
Soomaaliya Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay ma aha mid
sahlan, laakiin Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya waxaa
uu doonaya in 120-ka Maalmood ee loo qabtay inay Soomaaliya
uga baxaan Ciidamada Itoobiya bedelkooda la helo Ciidamo
Caalami ah
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |