shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamo Ethiopian ah ayaa saaka fariisimo cusub ka sameystay Deegaanka Siinka Dheer.

(Muqdisho, June 01,  2008 Ceegaag Online)

Ciidamo Ethiopian ah ayaa fariisin cusub ka sameytay koontaroolka siinka dheer oo ay horey u joogi jireen ciidamo ka tirsan dowladda KMG halkaas oo ay lacago kaga qaadi jireen gaadiidka isticmaala wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamadaan oo watay tobaneeyo gawaarida ciidamada daabula ee loo yaqaan Uraalka ayaa ka yimid dhinaca degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxaana ay dageen deegaanka Siinka dheer oo ku yaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Waxaa muddo kooban hakad galay gaadiidkii isticmaalayey wadada isku xirta magaalooyinka Afgooye iyo Muqdisho kadib markii ciidamada Ethiopia ee fariisinka cusub sameystay ay hakad galiyeen isticmaalka wadadaas.

Lama oga sababaha ka dambeeya in ciidamada Ethiopia ay fariisin ka dhigtaan deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho, hase ahaatee waxa ay arrintani ku soo beegmeysaa xilli dhawaan ciidamadii dowladda ee ku sugna halkaas laga wareejiyey.

Dadka ku barakacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan inta dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa walaac xooggan waxa ay ka muujiyeen fariisinka cusub ee ciidamada Ethiopia ay ka sameysteen deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.

Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa hadba meel cusub fariisin ka dhigta iyagoo sameeya isbadalo dhinaca ciidamada ah.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com