Culumaa’udiinka Xarayaale oo Dowladda KMG ugu baaqay in ay
Xoriyadiisa dib ugu soo celiso Mu’adinkii Masjidka Xarayaale
Sheekh Xuseen Muuse Hiiraabe.
(Muqdisho, June
16,
2008 Ceegaag Online)
Culumaa'udiinka ku dhaqan deegaanka Xarayaale ee degmada
Wardhiigley ayaa ugu baaqay dowladda KMG ah in ay dib
xoriyadiisa ugu soo celiyaan mu'adinkii masaajidka xaafadda
Xararyaale
Sheekh
Xuseen Muuse Hiraabe
kaas oo todobaadyo ka hor ay ciidamada dowladdu ka
kexeysteen masaajidka Xararyaale.
Sheekh Cumar Max’uud Wardheere oo kamid ah culumaa'udiinka
masjidka Xararyaale ayaa dowladda KMG ah ka dalbaday in ay
sii daayaan mu'adinka masjidka Xararyaale iyo dad kale oo la
xiran, isagoo sheegay in sheekhaasi uu ahaa nin aan arrimaha
siyaasadda lug ku laheyn.
"Wuxuu u xiran ciidamada dowladda oo si sharci darro ah uga
kexeystay masjidka Xarayaale, waxaan ku baaqayaa in
xoriyadiisa dib loogu soo celiyo" ayuu yiri Sheekh Cumar
Maxamuud Wardheere.
Sheekh Xuseen Muuse Hiraabe iyo 5 kale oo ku sugnaa masjidka
Xararyaale ayey ciidamada dowladdu kexeysteen, iyadoo warar
soo baxaya ay sheegayaan in uu ku xiran yahay xarunta Villa
Soomaaliya inkasta oo aan weli arrintaas la xaqiijin.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ayaa badanaa kexeysta
oo si sharci darro ah xabsiga u dhiga culumaa'udiinka
Soomaaliyeed iyo macalimiinta dugsiyada qur'aanka, waxaana
xabsiyada ay maamulaan labadaasi dhinac ka buuxa
culumaa'udiin badan oo si sharci darro ah loo xirxiray
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |