shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dabeylo xoog leh oo ku dhuftay Xeebaha Dalka Koonfur Africa saameynta ugu badana ku yeeshay xerooyinka Qaxootiga Soomaaliyeed.

(Pretoria, June 18,  2008 Ceegaag Online)

Dabaylo si xowli  leh ku socda oo kuwa xagaaga ah ayaa ku dhuftey  xeebaha  dalka S/Afrika, kuwaas oo saameynta ugu baddan ku yeeshay xerooyinka qaxootiga Soomaaliyeed eey ku nool yihiin Ee Magaalada Cape Town, halkaas oo teendhooyinkii eey dabeeylaha  qaadeen xilli saq dhexe habeen ah, taasi waxay kaliftay in eey dadku ku hoydaan suuliyada.

Ugu yaraan 40 teendho ayay dabeeyluhuu qaadeen, xilli habeen ah oo eey dadka hurdaan, taasi waxay kaliftye in qaxootiga ay ku hoydaan suuliyada meesha looga dhisay, arrintani waxay ka dhacday dhowr xero oo ku yaala xeebaha Cape Town oo eey ka mid tahay xerada ay Soomaalida baddan ku jirraan ee Suetwater.
 
Lix ka mid ah teendhooyinka ayaa la awoodi waayay in dib loo taago subixii dambe, halka 34 kalana la taagay, waxaa kale oo eey dabeeyluhu gabi ahaanba qaadeen suuliyo qotomey oo eey badda ku dareen.  23 teendho waxay dabeeshu kala tagtay xerada Suetwater, 10 xerada Bluewater, 7na Harmony Park oo Strand ku taala, sida uu sheegey afhaayeenka duqa magaalada Cape Town oo lagu magacaabo McDonald , waxaa jirey gacan biyood ku fatahay teendhooyinka qaar isla markaasina qasaaro geystey . 
 
Si kastaba ha ahaatee Afhayeenka wuxuu intaasi ku daray in dadka hoy la’aanta noqdey ee xerada Suetwater ku jirra in loo rari doono xerada Bluewater ama dhismo kaniisad oo aaga ku yaala taas oo aqbashay in eey hoy siiso. Wuxuu intaasi raaciyey in eey jireen tendhooyin u adkeeystey dabaylaha oo ad adag, sidaasi darteed ey ka fakarayaan in kuwaasi qaxootiga loo dhisi doono si buu yiri ey adkeeysi baddan ugu yeeshaan xilliga xagaaga ee dabaylaha wata ee horey loo sii galayo

W/D Hassan YeeY

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com